Puntland Regional Roads, Highways & Bridges Thread

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Wadada Sin-ujiif oo ah halka la daah-furay ayaa la dayactiray 37 biyo mareen iyo 9km oo laami ah, oo ay burburiyeen roobkii Puntland ka da’ay 2019.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

  • Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.
  • Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.
  • Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.
  • Qorshaha nashqadeynta magaalada
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo


Halkan ka daawo muuqaalka

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Duqa degmada Carmo ee gobalka Bari, Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax ayaa wareysi uu siiyay Barnaamijka Tabiyaha Puntland TV uga warbixiyay qorshaha "5 sano iyo 50-KM".

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Garowe

Dowladda Hoose ee Garowe ayaa jartay buundada kutaala wadada aada laamiga aada saddex xiddigood ee xaafadda Waaberi, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in biyaha iskugu yimaada kala wareega loo sameeyo meelo ay ka baxaan, si aysan dhaawac ugu geysan laamiga.
Buundada dib u dhis ayaa lagu sameynayaa si loo simo islamarkaana loogu sameeyo hab aysan biyuhu ugu hakan. ganacsatada iyo gaadiidleyda isticmaasha wadadan ayaa dowladda hoose uga mahad celiyay tallaabadan, iyagoo sheegay in ay culays badan ku qabeen biyaha roobka ee buux dhaafiya wadada kala wareega.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Hay'ada waddooyinka Puntland, ee PHA iyo Shirkada National Engenering & Construction Corporation, ayaa saaka kala saxiixanaya heshiis lagu dhisayo wadada lafa-gorayo, ee gobolka Gardafuu, oo dhibaato badan ay bulshada gobolkaas ku qabaaan dhowr jeerna ay ku Burburtay roobab gobolka ka da'ay.








 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
idka soddonka oo laga qaadayo laamigii hore ee burburay, iyadoo laami cusubna la saarayo.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe ahna ku simaha duqa caasimadda, Maxamed Cali Maxamed iyo xoghayaha guud ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa maanta kormeeray laamigii hore ee jidka soddonka oo lagu billaabay dayactir, si loo saaro laami cusub oo lamid ah midka dhawaan laga sameeyay qeyb kamid jidka soddonka.

Mas’uuliyiinta degmada Garowe ayaa dadweynaha ku wacyi galiyay inay u dulqaataan inta ay shaqada ka socoto jidka soddonka islamarkaana aysan furin meelaha waddada laga xiray ee ay shaqadu ka socoto, gacanna siiyaan shirkadda dhisaysa.

Xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa sheegay in degmadu go’aansatay in hal laami ah casri ah oo isku cimri ah laga sameeyo jidka soddonka. Wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha ku ganacsada jidkaas inay helidoonaan jid casri ah oo ay ku ganacsadaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Cali Maxamed ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay jidkan uu yahay halkii dollar ee korantada iyo Biyaha ee shacabka la dulsaaray, iyo lacag dhan $150,000, oo ay dowladda hoose ee Garowe ku kabtay qarashka lagu dhisayo jidkan.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay dowladda hoose ku dadaalayso in waddada qeyb qeyb loo xiro, si aanu u saameyn ganacsiyada dadku ku leeyihiin jidka soddonka, wuxuuse dadweynaha u sheegay inay kaalintooda ka qaataan.

Dhismayaasha laamiyada iyo dayactirka kuwa burburay waa ahmiyadda koowaad ee shaqooyinka dowladda hoose ee Garowe. In ka badan 30 laami ayay haatan leedahay magaalada Garowe, kuwaas oo intooda badan ah kuwa casri ah oo la hirgaliyay sannadihii ugu dambeeyay.
Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi galinta dowladda hoose Garowe.
Follow and Contact us
Email: garowecity.info@gmail.com
Facebook: Dowladda Hoose ee Garoowe
Twitter: https://twitter.com/GaroweLocal
Youtube: https://www.youtube.com/channel/U




 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Garoowe: Gaariga Madaxweyne Deni iyo Gawaarida shacabka oo Wadada Wada Maraya
Garoowe waa Amni ! Ma Jiro shacab Wado Laga xirto.

📷
Abdirahman Bulshaawi
May be an image of 2 people, sky, street and road
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Garoowe: Weejiga koowaad ee laami saarka wadada Laacdheere iyo Rabaable ee gobolka Nugaal, ayaa maanta si rasmi ah ubilowday waxaana maalmo kadib la saari doonaa laamiga rasmiga ah.
Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhisaysa laamigan oo ka dhererkiisu yahay 14KM, Iyadoo ay maalgelinta dhismahan leedahay Dawlada Puntland.
Masuuliyiinta Ha'aydda Wadooyinka Puntland ee PHA ayaa booqday bilowga shaqada cusub ee maanta bilaabatay.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
.



 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Dhahar: 20 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo gaaray degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, ayaa dhagax-dhigay Wado laami ah oo Isku xiridoonta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xingalool.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyey muhiimadda ay u leedahay Puntland dhismaha wadadani, isagoo xusay in Wadadan ay dadka gobolka Hayland ku xireyso gobollada kale ee Puntland, isla-markaana ay ka qeyb qaadan doonto, Horumarka, Kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 55KM ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Hay’addaha African Development Bank, Save The Children iyo IGAD. Waxaana maanta toos loo billaabay dhismaha Wadadan oo qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu dhammaystiro.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, Masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland, Shirkadda dhisaysa Wadada iyo Madax ka socota Hay’addaha African Developers Bank, Save The Children iyo IGAD, qaar ka mid ah xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Gobolka Hayland iyo Bulshada Degmada Dhahar.

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.















300523609_616588499823496_4105385774782825332_n.jpg


300362999_616588696490143_8708355732214306664_n.jpg


300398696_616589663156713_7154589236487614519_n.jpg


300082802_616589843156695_2449120044863314839_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
@Laagite @repo Im not tryin to disturb the party but the official banner says 'feeder' where-as the govt press release says 'paved road'

300523609_616588499823496_4105385774782825332_n.jpg



Maybe the government can clear this up. Is the govt doing the 'asphalt' phase and international community doing 'gravel road' part? as of now it's not clear.

As far as I am concerned, Each state in Puntland should have at least one primary ''all weather road' for it's region and have connection points to the 'national highway'
 
@Laagite @repo Im not tryin to disturb the party but the official banner says 'feeder' where-as the govt press release says 'paved road'

300523609_616588499823496_4105385774782825332_n.jpg



Maybe the government can clear this up. Is the govt doing the 'asphalt' phase and international community doing 'gravel road' part? as of now it's not clear.

As far as I am concerned, Each state in Puntland should have at least one primary ''all weather road' for it's region and have connection points to the 'national highway'

As many roads as possible should be sealed. Even with a sprayed seal.

You'd spend too much on maintenance grading and overlays. Over time you lose the gravel on the road.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
As many roads as possible should be sealed. Even with a sprayed seal.

You'd spend too much on maintenance grading and overlays. Over time you lose the gravel on the road.

The top spray is to bind the gravel only there is no proper below base, it's not a proper road that can handle truck volume which will be the case for 'primary' high-ways. They need to 'create strong base below' so it can handle all weather conditions and all large truck loads.
 

Trending

Top