Puntland Regional Roads, Highways & Bridges Thread

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladda Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan

 
Last edited:

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Nugaal even has big ass mountains.

Wadada Eyl iyo Garowe oo dhismaheeda la Dhagax dhigay​

FB_IMG_1662206488997-777x437.jpg

POSTED BY: IDIL NEWS STAFF SEPTEMBER 3, 2022

Wadada Garowe-Eyl waa Laba Boqol iyo dheeraad,waxaana Laami ka ah kala bar.
Laga bilaabo Dangoronyo- ilaa Eyl,ayaa ubaahan in Laami laga dhigo taasoo dhan 105-Km.
Waa markii Afraad oo la dhagax dhigo Wadadaas muhiimka ah,balse Dhagax dhiga Deni in uu ka duwanaan doono ayay ubadan tahay,sababtoo ah sida looga bartay ma fashilmaan Dhagaxdhigyadiisa Wadooyinka.

Eyl waa Degmo qadiimiya,qurxoon,Jawi wanaagsan leh ku fiican nasashada oo leh Goobo taariikhiya iyo Xeeb aad Dalxiiska ugu saraysa oo Amni dabiiciya leh.

In Wadadeeda la dhiso waxay keenaysaa Dhawr arimood oo kala ah…

1.Masaafada socdaalkeeda oo si weyn usoo gaabata.
2.Magaalada oo hesha Maalgashi shaqo abuur oo kor uqaadi karta Nolosha Bulshada ku dhaqan.
3 .In Dowladu ka samaysan karto Deegaan nasasho oo xataa lagu qaban karo Kulamo caalami ah.
4.In Dadka reer PL ee gudaha iyo dibada ka yimaada ay helaan Goob Dalxiis.
Eyl,waxay noqon kartaa mid ka mid ah Deegaan Xeebeedyada ugu Dalxiiska Wacan ee Bariga Afrika.

Malindida Somaliya,waa laga dhigi kara.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Gudoomiyaha Hay'adda Wadooyinka Puntland , Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa kormeer ku tegay dhismaha wadada Buurtinle-Xaarxaar ee gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta shirkada dhismaha wada iyo Injineerada shaqada gacanta ku haya.

Wuxuu sidoo kale booqday dhismaha Buundada Saddex qollay oo maraysa heer gabgabo ah, isagoo goob joog ka ahaa dhigista shubka kore ee Buundada.

Mudane Cabdifitaax, ayaa u mahadceliyay maamulka shirkadda iyo howlwadeenada mashruuca isagoo kula dardaarmay in shaqada loo wado hab wadaniyada iyo mas’uuliyad dheeraad ahi saarantahay.
Puntland Post











 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo W/kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha Mudane Qaasim Maxamed Yuusuf oo ay waheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan, Agaasimaha waaxda kalluumaysiga Sumayo Jaamac Maxamed iyo guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysiga Boosaso ayaa maanta kormeeray waddo dheererkeedu dhan yahay 200 Miter taasi oo loogu talagalay inay isticmaalaan kalluumaysatada Boosaso marka ay kalluunka …

305897696_390361043282336_2503640769105179829_n.jpg

















 
Dhismaha iyo Dayactirka wadada qaybta Gooladda Xaarxaar
Waxaa meel wanaagsan maraya dhigidda laamiga (Surface dressing), Waxaana ladhigay 'layer' kii koowad, iyadoo la diyaariyey masaafo dhan 1.4km.
Shaqadaan waxaa qabanaya shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan, iyadoo Hay’adda Wadooyinka Puntland ay maamulka, kormeerka iyo ilaalinta tayada dhismaha gacanta ku hayso.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
I thought Somspot cancells pictures due to saving 'storage space' becuz when you see the 'X' on the photo, you can still click it and go to the source. When u post videos it's always there becuz it's hosted somewhere else.

Twitter images disappear when these people close their accounts, which happens sometimes. This topic is filled with red x's, which is a shame since there is so much development that you reported on. Just screenshot images please, it's easier and long-lasting.
 
I thought Somspot cancells pictures due to saving 'storage space' becuz when you see the 'X' on the photo, you can still click it and go to the source. When u post videos it's always there becuz it's hosted somewhere else.
Sometimes when you embed Facebook pics it doesn't allow it and you see 'X' on the photo, the photo is still hosted on Facebook but if you want Somspot to store it you've to download it first then upload the photo without using links.
 
Top