idka soddonka oo laga qaadayo laamigii hore ee burburay, iyadoo laami cusubna la saarayo.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe ahna ku simaha duqa caasimadda, Maxamed Cali Maxamed iyo xoghayaha guud ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa maanta kormeeray laamigii hore ee jidka soddonka oo lagu billaabay dayactir, si loo saaro laami cusub oo lamid ah midka dhawaan laga sameeyay qeyb kamid jidka soddonka.
Mas’uuliyiinta degmada Garowe ayaa dadweynaha ku wacyi galiyay inay u dulqaataan inta ay shaqada ka socoto jidka soddonka islamarkaana aysan furin meelaha waddada laga xiray ee ay shaqadu ka socoto, gacanna siiyaan shirkadda dhisaysa.
Xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa sheegay in degmadu go’aansatay in hal laami ah casri ah oo isku cimri ah laga sameeyo jidka soddonka. Wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha ku ganacsada jidkaas inay helidoonaan jid casri ah oo ay ku ganacsadaan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Cali Maxamed ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay jidkan uu yahay halkii dollar ee korantada iyo Biyaha ee shacabka la dulsaaray, iyo lacag dhan $150,000, oo ay dowladda hoose ee Garowe ku kabtay qarashka lagu dhisayo jidkan.
Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay dowladda hoose ku dadaalayso in waddada qeyb qeyb loo xiro, si aanu u saameyn ganacsiyada dadku ku leeyihiin jidka soddonka, wuxuuse dadweynaha u sheegay inay kaalintooda ka qaataan.
Dhismayaasha laamiyada iyo dayactirka kuwa burburay waa ahmiyadda koowaad ee shaqooyinka dowladda hoose ee Garowe.
In ka badan 30 laami ayay haatan leedahay magaalada Garowe, kuwaas oo intooda badan ah kuwa casri ah oo la hirgaliyay sannadihii ugu dambeeyay.
Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi galinta dowladda hoose Garowe.
Follow and Contact us
Email:
garowecity.info@gmail.com
Facebook: Dowladda Hoose ee Garoowe
Twitter:
https://twitter.com/GaroweLocal
Youtube:
https://www.youtube.com/channel/U