You mean he was captured during the 1977 war fighting against Somalis.
Only an OROMO would say such things. He has exposed himself.
Gabay : Mujaahid Cali Tedesse
Allaha u naxariistee Cali Teedsse waxa uu ahaa
Mujaahid caan ah oo aad loo yaqaano gabaygani
waxa uu tiriyay waqtigii laga soo noqday
dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya sannadkii
1978kii
Da,d gabayga damac igama galin laba
diraacoode.
§ haddaan dayni waayoon markale dib ugu soo
laabtay
§ waa inaan dareenkaan qabiyo dulucda
sheegaaye
§ dalka waynu wada leenihiyo duuga nololeede.
§ Dad haduu isdhalo cadhadu waw duriyo
laayaane
§ Ma dagaan walaaluhu haday duur coloobaane.
§ Waa inaan ka doodna ra’yiga dan isku
sheegnaaye
§ Soomaaliyeey waad disheen damacee
waynaaye.
§ Dayaxaaba laynagu wadiyo dawladaha qaare.
§ Dib baad uga dhacdeen meelahaad dagi
lahaydeene.
§ Dab dhaxmooday odaygii dadxumi, dal ka bixi
waaye.
§ Ma dardaarankii la is faraan cidina daymoonin.
§ Sidii adhi diraaceed miyaa daaqsin lagu
baahay.
§ Miyaan dawladnimadii nacniyo calankii loo
daalay.
§ Daarood Ismaciil miyuu kala danbayn waayay
§ Dabkuu shiday majeerteen miyaa daa la odhan
waayay.
§ ma jid waaq dabkuu guran jiruu dib ula soo
jeestay
§ ogaadeen dilllaalkii miyuu subaxba diin keenay