Degaanka Yaka Yaka ee Gobolka Karkaar.
Munaasabad heerkeedu sarreeyo oo isugu jirtay labo qaybood oo kala ah xarigjarka dugsiga sare ee Suldaan Mubaarak ee deegaanka Yaka, oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay dugsi sare kaas oo ay baahi weyn u qabeen dadka deegaanka, iyo sagootinta ardayda fasalka 8aadka ee dugsiga hoose/dhexe ee Xaaji Jaamac oo ah dufcadii 2aad ee sannad-dugsiyeedka 2021 2022 ee ka qalinjabisay dugsigaasi oo u qalinbeddelatay dugsiga sare Ee Suldaan Mubaarak, ayaa ka qabsoontay degmada Yaka.
Ardaydan ayaa noqonaysa ardayda ugu horraysay ee dugsig sare ee Suldaan Mubaarak lagu bilaabay.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan, Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Qardho, Maxamed Cabdullaahi Siciid Xayaf, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mahad Colaad Maxamed, Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho, Cabdullaahi Cabdi Cali, Kormeeraha Waxbarashada gobolka Karkaar, Mahad Yuusuf Gacayte, Xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Qardho, odayaasha dhaqanka degaanka yaka yaka, macallimiin, waaliddiin iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.
Xafladda ayaa kusoo idlaatay jawi qurux badan.