Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta biyaha Puntland Maxamed Cabdulqadir Maxamed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer Shaqo ku Tagay Deegamada Xidda, Alxamdulilaah, Dalwayn iyo Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar
Waftiga waxaa qayb ka Ahaa Xildhibaan Jaamac Yaasin Jaamac,Xildhibaan Axmed Bashiir Askar iyo gudoomiyaha Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan
Degaanka Xidda Waxa gabo gabo Maraya Dayctirka Ceel Riig ah sidokale Waaciye waxa lagu guulaystay Sahanka Ceel Biyood ee Hal kaas laga hirgalinayo, Dalwayn iyo Alxamdulilaah ayaa ayana laraba in dhakhso laga bilaabo qodista labo Ceel biyood oo riigag ah.