Dams, Water and Drainage Infrastructure Thread

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Gaalkacyo;-Ururka kheayriga ah ee WAMY oo kaashanaya shirkadda wadaniga ee Kebarco Construction CO. ayaa ceel biyood ka dhagax dhigay deegaan xoolo daaqeen ah oo hoos yimaada Degmada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha degmadda Gaalkacyo Eng Maxamud C/nuur ayaana dhagax dhigay ceel biyoodka.
Ceelkaan waxaa ku tabarucay Ururka dhalinyarada Caalamka ee Magaciisa lagu soo gaabiyo (WAMY), oo saldhigiisu yahay Dalka sucuudiga horayna degmada Gaalkacyo uga fuliyey mashaariic Gargaar iyo caafimaad isugu jira waxayna usoo wakiisheen shirkadda Wadaniga ee Kebarco.
Dhagax dhiga waxaa ka soo qaybgaley mas’uul ka socda xafiiska WAMY, shirkadda wadaniga ee Kebarco Construction Company. Nabadoono, waxgarad iyo qaybaha bulshada deegaanka.
Meeraysane Media Network

307188261_751678085938607_3830566947195205112_n.jpg


 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxa meel wanagsan maraysa shaqada ka socota Warta Biyaha Degaanka Malasle Gobolka Mudug.
Wartan waxa fulinaysa wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxan maal galinya Bangiga Aduunka.



 
Waxan maanta gaaray gelinkii hore Xingalool ceel Two oo kamida ceelasha magalada ceelkas waxa soogaaray maanta Team kasocda wasaradda Biyaha,Tamarta Iyo macdanta Puntland Waxayna ceelka kabilaabeen Dayactir, Ceelkas oo kamid ahaa ceelashii aan hore baahiyahooda ula wadaagnay guddiga abaraha Puntland Iyo wakalada Biyaha. Waan ka mahadcelinaynaa In baahiyhii ceelasha qaar kamida hadda wax ka qabashadoodii bilowdeen kuwa dhimana laga hawl geli doono Dhawaan.
Waxan sigaara ugu mahadcelinaya wasiirada matala gobolka oo u ugu horeeyo wasiir Mohamed Libaahe oo har Iyo habeen utaagan daboolida baahiyaha Iyo dayactiradda ceelasha gobolka.
Wakaladda biyaha Puntland waxan udirayaa fariin ah Waxa baahi kajirta Ceel Three-Xingalool Iyo Ceel one, oo u baahan wax ka qabasho dayactir ah Waa In sida ugu dhakhsiyaha badan wax looga qabtaa ceelasha kale Waxana idinka mahadcelinaynaa ceelka aad maanta dayactirka ka bilowdeen Ee ceel-two Xingalool.
Wasaradda gargaarka Puntland oo aan anigu masuulkeeda kobaad ee gobolka ahay waxan door muhiim ah ka qaadanay gurmadka abaraha gobolka Iyo u qareemidda baahiyaha ceelasha meel wanagsana wax waa marayaan waan uga mahadcelinayaa wasiirkayga Abdilaahi Iyo wasaradda oo shaqadda ay bulshadda u hayaan tahay Tabaruc Iyo Isgarab taag bulsho.
Isuduwaha wasaradda gargaarka Iyo maaraynta Musiibooyinka G.hylaan-DPl.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Dhismaha Biyo Xireenkii Biyo-kulule Bosaso ee Gobolka Bari oo shaqo Wayn ka socoto ayaa lagu wadaa in dhowaan la Soo gaba gabeeyo.



















 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Biyo xireenkaani waxa uu ka mid yahay Mashaariicda ay wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ka hirgelisay Degaanka Barookhle ee Degmada Carmo Gobolka Bari si weyna wax uga bedelay nolosha Beeralayda, Xoola dhaqatada iyo dadkaba.

Dhowaan waxa aan idinla so wadagi doonaa warbixinta Biyo xireenka oo dhamaystiran inshaa allaah.


302563062_458102099677032_7076321110415353933_n.jpg




305290809_458102239677018_4598016810679643880_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxa meel wanagsan maraysa shaqada ka socota Warta Biyaha Degaanka Yidin Yobin Gobolka Bari.
Wartan waxa fulinaysa wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxan maal galinya Bangiga Aduunka.














 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxa meel wanagsan maraysa shaqada ka socota Warta Biyaha Degaanka Xidda Gobolka Karkaar.

Wartan waxa fulinaysa wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxan maal galinya Bangiga Aduunka.














 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Deegaanka Albaraka ee degmada Iskushuban ayaa laga hirgaliyay ceel-biyood riig ah oo ay si iskutashi ah u hirgalisay madasha khayriga ah ee Midnimo Volantary Group.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Madasha Khayriga ah ee Midnimo Group ayaa ka hirgalisay biyo xireen Ceel-mareere oo hoostagta deegaanka Xiriiro.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Bulshada deegaanka Jeded ee degmada Qardho iyo dadka reer guuraaga ah ayaa si weyn uga faa'ideysanaya 'War Biyood' ay deegaanka ka hirgelisay Wakaaladda Horumarinta Biyaha dawladda Puntland.















 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Wareejintii iyo xarig jaridii ceel biyoodka deegaanka dusmada oo ay iska kaashadeen shirkadda Alcimraan Construction Comp iyo Tell





 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Wakaladda horumarinta biyaha Puntland waxa ay so gaba gabaysay Warta biyaha Degaangka Xidda ee gobolka Karkaar .

Wartan ayaaqaban doonta biyo gaaraya 63,370 fuusto ah ayadoona loo dhameystiray dhamaan agabki ay ku shaqayn lahayd wartu sida haan kayd oo qaada 175 fuusto , Dararkii Xolaha iyo goobti ay dadku ka dhansan lahayen, dhismaha watan ayaa waxa uu socday muddo ku dhow 5 bilood.

Wakaladda horumarinta biyaha puntland waxa ay u taagan tahay sida ay degaanada u heli lahayeen biyo ku filan iyo sidii looga faa’daysan laha roobabka lana helo meel lagu kaydin karo
= DHAMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA DOWLADDA PUNTLAND .

313919270_502875898532985_752679225518901135_n.jpg


315227030_502876088532966_8450255885873757295_n.jpg


313881503_502875991866309_8468714398446533633_n.jpg


313981747_502876128532962_4547691653298919208_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxaa dhamaaday dhismaha warta bihayaha degaanka Malaasle Degmada Jariiban ee gobolka mudug .

Warta malaasle ayaa la filayaa in ay ka fa’ideystan bulshada degaanka iyo reer miyiga waxana Meesha ka bixi doonto biyo yarida ka jirta degaanka xiliyada roobabku yar yihiin , warta ayaana loogu tala galay in ay qabato biyo gaaraya 84,375 fuusto , sidoo kale hanta ayaa qaadeysa biyo gaaraya 185 fuusto .

Dhismaha warta waxaa maalgeliyay bankiga adunka waxaana fuliysay wakaladda horumarinta biyaha putland . wakaladdu waxa ay dadaal dheer ugu jirta sidii degaanada dalka ay u heli lahayeen biyo ku filan xilliyada robabku yar yihiin .

Warta ayaa loo dhameystiray dhamaan dhismayaasha sida dararka xoolaha , haan kayd biyood , qolka waardiyaha iyo halka ay dadku ka cabi lahayen .

Wakaladdu waxa ay ku hawlantahay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa degaanada dalka .wakaladdu waxa ay shaqo kala duwan ka wada gobolada iyada oo u kala hormarineysa sida ay ugu baahi badanyihiin , gacanta ku haysaa ceelal iyo biyo xireeno si looga fa’ideysto xiliyada ay roobabka ay da’ayaan .

= DHAMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAN


316280158_507796601374248_4363251147200445266_n.jpg
 

Trending

Top