Somali speaking only thread

Status
Not open for further replies.
Idil waa magac dumar wuxuuna la micna yahay "complete", idil waa gabar udhan ama u dhammaystiran dhinac walba, sida xagga muuqa iyo dabeecadda, aadaabta iyo socodka etc ... Waalidkeeda magac fiican ayay ula bexeen gabadhooda.

Waxaan ka baqayaa hadda Idil inay kasoo cararto kii nalaga tagay waa hore oo naga qaatay, markay amaantayda akhriso, illayn horaa loo yiri "caqli dumar oo fadhi nin(sheeko nin kale) kaaga dambeeyay, kaad ku ogayd ma ahan".
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
maahmahda ma fahmin
adna magaca :it0tdo8:
jzk
 
Abkaal

Mudug menaces don't mince their words
Idil waa magac dumar wuxuuna la micna yahay "complete", idil waa gabar udhan ama u dhammaystiran dhinac walba, sida xagga muuqa iyo dabeecadda, aadaabta iyo socodka etc ... Waalidkeeda magac fiican ayay ula bexeen gabadhooda.

Waxaan ka baqayaa hadda Idil inay kasoo cararto kii nalaga tagay waa hore oo naga qaatay, markay amaantayda akhriso, illayn horaa loo yiri "caqli dumar oo fadhi nin(sheeko nin kale) kaaga dambeeyay, kaad ku ogayd ma ahan".

Wallahi sxb Idil ama Ladan ayaan u baxsan lahaa curadayda Insha Allah balse haddaynu idil is guursanno :hemad:waa exception dee taasi oo markaas Ladan baan ka dhigi doonaa Insha Allah
 
Idil yaysan kaa fakan. Yaan lagaa badin saxib ... waxaad isku daydo badanaa lama waayo calaf hadduu kuugu jiro.

Guul iyo Idil aan kuu rajaynaa bro. Mid wiilal iyo Gabdho kuu dhasho hakuu noqoto LOL.
 
Aamiin sxb haye @Idil-Beydaan ma maqashaa ducada meesha ka dhacaysa? Xiriirkeena waa mid ducaysan. :samwelcome:

@BestCaseScenario Sxb mid aan ku weydiiyee soomaaliya dhinaceed ka timid adiga?

Maxaa ii waydiisay saaxiib? Meel baa I saari wayday miyaa oo waa igu wareertay?

Waa caadi ee haka xishoon, waan ku waydiiyay uun sababta .. Waana kuu sheegi doonaa markaan ku qashqashaado waxoogaa..

Awoowgay meeshuu guri ka dhistay ayaan kuu sheegi karaa marka hore hahahaha
 
Abkaal

Mudug menaces don't mince their words
Maxaa ii waydiisay saaxiib? Meel baa I saari wayday miyaa oo waa igu wareertay?

Waa caadi ee haka xishoon, waan ku waydiiyay uun sababta .. Waana kuu sheegi doonaa markaan ku qashqashaado waxoogaa..

Awoowgay meeshuu guri ka dhistay ayaan kuu sheegi karaa marka hore hahahaha

Waan kusoo saari waayay sxb marbaan is iraahdaa waa reee xamar haddana lahjadii ayaad badashataa markaa ina adeer soo tuur halkaad ka timid
 
Wallahi sxb Idil ama Ladan ayaan u baxsan lahaa curadayda Insha Allah balse haddaynu idil is guursanno :hemad:waa exception dee taasi oo markaas Ladan baan ka dhigi doonaa Insha Allah

Idil yaysan kaa fakan. Yaan lagaa badin saxib ... waxaad isku daydo badanaa lama waayo calaf hadduu kuugu jiro.

Guul iyo Idil aan kuu rajaynaa bro. Mid wiilal iyo Gabdho kuu dhasho hakuu noqoto LOL.

Ma la ila tashto kohor marka guur iyo ILMO leegu duceynooyo
:bell::chrisfreshhah::wowsweat::deadosama:
 
Last edited:
Canab, Nin baa hore kuu caashay meeshaan oo waa la iiga kaa hormaray. Maxaan ku baraa ama aad I bartaa adiga?

Ma maqashay dugaaggii candhada ka cunay hasha geela, nirigtiina ka goostay faruurta, oo intuu farta ku fiiqay isagoo qoslaaya yiri:

"Maxay ka nuugtaa, Maxayse ku nuugtaa"

Mar haddii naasihi/candhadii la gooyay, faruuryihiina maqan yihiin, caano la dhammi karo ama la cabi karo ma jiraan sax?

Hal = She camel
Nirig = Baby Camel
Faruur/Bushimo = Lips
Dhammid/Cabitaan = Drink

Candho/Naaso = Breasts

:kendrickcry:
Maadaame aad ila wadaagtay hadalada lahjadaada anigana erayo ayaan ku barayaa ee i yara sug. In yar aan ka soo fikiro

Alla, marka kowbaad aan akhriyay maan fahmin sheekada, markaan dhowr joor ku noqday uun baan gartay . Kkkk, ileen faruurihii Iyo naasahi waa laga gooyey siday waxba u dhamin, waxbana laga dhamin. Alla, habaarka 'caana ha dhamin' ma xagan ayuu ka yimid talow kkk. Sxb su'aal, maad maqashay sheekooyinka cigaal shiidaad iyo juxa?

Ma dictionary baad isticmaalaysaa laakiin? :yacadiim:
 
Xigmadda ka dambaysay ama sheekada asaasiga u ah maah maahda waan illoobay abaayo. Waan soo raadin doonaa markaan Ayeeyaday booqasho ugu tago inshallah goor dhow. Ayeeyaan la sheekaystaa in badan oo aad u da'wayn.

Anigaa kasoo dhuraayo war badan isii sug.

Maa taqaan War dhurka? War ka koobin waaye,. Erayga dhur waxaa loo isticmaalaa biyaha.

Waad quurinaysaa saacadaan oo waad seexatay maadaama aad Europe ku nooshahay. Nabad Gelyo.

Qaamuuska(Dictionary) ma isticmaali karo waayo waa erayo keliya ee malaha jumlado la isticmaali karo.
 
Ma la ila tashto kohor marka guur iyo ILMO leegu duceynooyo
:bell::chrisfreshhah::wowsweat::deadosama:

Waa lagu boobsiinooyaa abaayo. Intee la iga soo galay intaa dhihin aa hore laguu dafaa , ka bacdina isku daahis maleh hora ilmo badan oo kuus kuusan taxee...Maashallah, Yaaba heli karo nasiibkaas.

PS: kiimikaad barataa. Warshadda daawada musqtaqbalka aa laguu dhiibaa Soomaaliya.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top