"Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada madaxweynaha JFS ee Puntland, idaacaddaha ka ogaaday in xilkii la iga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.
Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka cusub, waana u ducaynayaa in Ilaah shaqada ku asturo.
Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo shaashadaha isku baranay.
dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenun a waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
Raali gelin iyo cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba, idinkuna waxaa idinka codsanayaa inaad i cafisaan, mar walba waxaa iga go’an inaan dalkeyga iyo dadkeyga u shaqeeyo. guul iyo gobonimo."
Cabdi Faarax ( Juxa)