DP World's port run of Berbera Somaliland closed for a week after the greedy UAE corporate doubles up container fees.

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
The container and tarrif fees at the DP run port city of Berbera has doubled up since the start of this year, the Somaliland Chamber of Commerce warned the Corporate company on the recent purposed increase.


Shirkada DP WORLD Oo Kordhisay Qiimaha Koontiinarka & Dadka Dekedda Galaya Oo Lacag Lagu Soo Rogay​

comment.png
0
Sunday January 09, 2022 - 21:17:46 in News by Hadhwanaag News
  • star_blank.png
    star_blank.png
    star_blank.png
    star_blank.png
    star_blank.png
    (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share
"Kordhinta Qiimaha lagu dejiyo Alaabta oo sababtay in cabasho laga"
Berbera (HWN) – Dhibaato ayaa ka taagan Dekedda Berbera, ka dib markii Shirkadda Maamusha Dekeddu ay kordhisay Qiimaha Dejinta Alaabooyinka Dekedda ay Maraakiibta iyo Doonyuhu keenaan.

Shirkadda DP WORLD oo Maamusha Dekedda, ayaa lacag ku dhow kala-badh ku kordhisay Qiimihii lagu dejin jiray alaabooyinka Dekedda ay keenaan Maraakiibtu, halka Dadka Dekedda galaya lagu soo rogay lacag dhan 2 dollar, arrintaasi oo ah wax cusub.

Sidaana waxa sheegay Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Golaha Guurtida oo kormeer ku soo maray Dekedda Berbera, waxaanu yidhi "Koontiinarka 20 fiit ah wuxuu ahaan jiray (oo lagu dejin jiray) 320 dollar, halka ay imika ka dhigeen 482 dollar, farqiga u dhexeeya waa 162 dollar, qodobka labaad kontiinarka 40 fiit wuxuu markii hore ahaa 650 dollar, halkay imika ay ka dhigeen 859 dollar, farqiga u dhexeeya intay ku dhigeen waa 209 dollar, alaabta ku iman jirtay koontiinar halkii tanba waxay ahaan jirtay 10.5 dollar, halkay imika ka dhigeen 15 dollar, taaba waxaa ka sii daran qof walba oo galaya (Dekedda) haddii ay fara cad tahay iyo haddii ay qof kale oo miskiin ah oo meesha tagayba ama mid xamaal tagayba, waxay yidhaahdeen qof kasta oo galaya laba dollar ayaa laga qaadayaa”.

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland "Mudane Madaxweyne, qaabkaas ayaa meesha ka jira Shirkaddii waxay damacday inay dadkii cadaadis weyn ku saarto dekeddii, DP World waxaan leeyahay waad u soo shaqo tagteen wixii ay Somaliland ka qaadan jirtay idinka ayaa qaata, hantidii aanu arki weynay ee aanu ku dhisan kari weynay ayaad qaadateen oo aad ku dhisateen meesha, ee dadka ay abaaraha iyo Covid_19 ku dhacay ka daaya sicir-bararka iyo waxan aad ku kicinaysaan oo ILLAAHAY ka baqa, dawladdana waxaan leeyahay nimankani meesha dhib aad u weyn bay ku hayaan ee waxaan soo jeedin lahaa Mudane Madaxweyne meeshan cid walba oo ku shaqo lehiba iyo Wasiirka Ganacsigaba, inaad ka war haysaan meeshan ayaa loo baahan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhibaato ka taagan tahay Dekedda isla-markaana muddo 7 Maalmood ah ay xidhan tahay Dekeddu, maaddaama oo Ganacsatadii Alaabtu ka taallay ka maagayaan inay alaabtooda la soo baxaan "Maanta (Shalay) ayaa u todoba u ah oo Dekeddu xidhan tahay, khasaare inteed leeg baa Somaliland ugu jira..”

Shirkadda DP WORLD ayaa Lacag kiro ah ka qaadda Alaabta laga soo dejiyo Dekedda Berbera, halka Cashuurta alaabtaasna ay qaabilsan tahay Wasaaradda Maaliyaddu.

 

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast

Somaliland traders halted berbera port after DP world imposed a new tariff



Berbera-(Berberanews)-The activities of the main port of Berbera have come to a complete halt, after DP world imposed a new tariff on commercial services at the port.

Traders in Berbera, have rejected the Dp World tariff which is dated January 1, 2022. The merchants rejected the tariff and said it could not bear the burden, so they stopped importing goods for commercial vessels.

The Somaliland Chamber of Commerce last week issued a statement expressing its displeasure at DP World’s new tariff, which it described as contrary to Article 12 of the Somaliland-DP World agreement, and that the port of Berbera could not be competable with neighboring ports. , if the tariff is increased.

Download here the new tariff imposed by DP World on traders connected to the Port of Berbera.


 

Trending

Latest posts

Top