This is something that HSM should focus, we need to make that 1$ million Dollar Chinese contract, the Dhulbhante Toronto waiter turned Minister of fishery should be arrested also,it gotta be the worst deal in the world, now we all have to pay for it, now that they have their Navy is guarding their illegal fishing ships, it is too late to do anything about it.
hadhwanaagnews.ca
Dowladda Shiinaha oo Ciidamo & Maraakiib dagaal usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya
![]()
Ciidamada badda Shiinaha oo wata Maraakiibta wax burburiya ee kala ah Suzhou iyo markab lagu magacaabo Nantong ayaa howlgalkoodii ugu horreeyay ee galbineed ka bilaabay gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.
Maraakiibtaan ayaa waxaa la socda guutooyinkii 41-aad ee Ciidanka Badda oo ka soo ambabaxay Zhoushan, ee bariga gobolka Zhejiang ee Shiinaha, Arbacadii, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Bari e Ciidamada Badda Shiinaha.
Kooxda Ciidan ayaa ka kooban Suzhou, oo ah nooca aadka loo tababaray ee wata gantaalaha wax burburiya, gantaalaha la hagayo ee Nantong, iyo markabka saadka ee Chaohu, oo ay saaran yihiin laba helikobtar iyo tobaneeyo askari oo hawlgal gaar ah fulinaya, ayaa lagu yidhi bayaanka.
Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatusyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen baadi goobka iyo samata bixinta wadajirka ah, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedda, iyo badbaadinta maraakiibta ganacsi ee la afduubtay.
Ciidanka badda Shiinaha ayaa bilaabay hawlgallada ay kusoo gaarayaan Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya Bishii Diisambar ee sanadkii 2008, iyaga oo ujeedkuudu yahay la dagaalanka burcadbadeedda.
Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ku sugan Maraakiib aad u farabadan oo Shisheeye, kuwaas oo u yimid inay la dagaalamaan Burcad Baddeeda Soomaalida walow ay sii yaraanayaan, hayeeshee waxaa maraakiibtaas lagu eedeeyaa inay kalluumeysi sharci darro ah ka wadaan Biyaha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo Ciidamo & Maraakiib dagaal usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya
Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatusyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen