Wax iga farxiya

KinsiHilaac

Pretend there is a title here
Maalin walba waxan ku farxaa lahjada aan kuhadlo kuna qoro, waxa yeeley hadii aan may may kuhadli laha ama lahjadahaasi kala duwan, wax khaldan bes baan soo qor qori laha maalin iyo habeeyn. Waan bad baadey mindhaaπŸ’€πŸ’€πŸ˜‚
 
KinsiHilaac

Pretend there is a title here
Yaa kaa fiican :)

Lahjadaadu iyama?

Ogoobey farqi ayaa u dhexeeya dhigaalka, iyo ku hadalka.

Ku kar:
Haddii aanan galdanayn, af Maay-gu waa af kala e ma aha lahjad? Mise maya?

Af maygu waa lahjad kale
Soomaligu wuxuu kala yahay May tiri iyo Maxaa tiri, midka labaad waa midka aan anaga kuhadalno

Midka koobaadna waxaad ka heleysaa Soomali Koonfureed, qabiiloo eey lahjadaas u gaar tahay baa jira wexeyna degaan sidaan sheegey Koonfurta
 
Last edited:

Maya e ma aha. Tusaale aan ku siiyo. Cleveland, OH ayaan shaqa u tagey, maqaaxi So'ma'li ayaan booqday, waxaa ka cuntaynayey raxan innama ah, waxaa ay ku hadlayeen af aanan hore u maqal, kalmadose aan ka fahmay. Waxaan u qaatay in uu Oromo ahaa, ilayn faduuli baan ahaye, waan weydiiyey, waxayna ii sheegeen in uu yahay af Maay. Qiyaastii 90% ma fahmin sheekadooda.

Haddii uu lahjad ahaan lahaa, inta badan, ama 95% waan fahmi lahaa; sidaa kulama aha?

Tusaale kale, waxaan ahay reer UK, markii aan imi US, ina yar ma aha e inta kale waa isku mid. Laakin maya, af German-ka, marka aan tago Germany, walow English-ka asalkiisu yahay Germanic.

Ma ku dhacay?
 
Waan ku fahamsanahay laakin af may may lama dhihi karo waa luuqad kale saa Soomali badan baa ku hadasha hadana fahamsan

Hadii aad si fiican u dhageeysatid laakin dhoor erayo baad ka fahmi karta laakin yaa sidaas ugu mashquulaya weeye

Anigu weligey ma maqlin af may may waa luuqad kale laakin wax dhici karta weeye
 
Maya e ma aha. Tusaale aan ku siiyo. Cleveland, OH ayaan shaqa u tagey, maqaaxi So'ma'li ayaan booqday, waxaa ka cuntaynayey raxan innama ah, waxaa ay ku hadlayeen af aanan hore u maqal, kalmadose aan ka fahmay. Waxaan u qaatay in uu Oromo ahaa, ilayn faduuli baan ahaye, waan weydiiyey, waxayna ii sheegeen in uu yahay af Maay. Qiyaastii 90% ma fahmin sheekadooda.

Haddii uu lahjad ahaan lahaa, inta badan, ama 95% waan fahmi lahaa; sidaa kulama aha?

Tusaale kale, waxaan ahay reer UK, markii aan imi US, ina yar ma aha e inta kale waa isku mid. Laakin maya, af German-ka, marka aan tago Germany, walow English-ka asalkiisu yahay Germanic.

Ma ku dhacay?

Fikradaadu waan ka so hor jeeda. Marka laga hadlayo luuqad iyo lahjad; farqiga u dhaxeeyo kaliya ma go'aamiyo. Waxa jira qodobbo kale ee ubahan in la taxgeliyo; taarikh iyo siyaasi sida ay @Heavy Mountains yiri/tidhi (xumaan ka ma wado walaal, laakin wiil mise gabar baa tahay? Mar dhow ayaa adiga igu horeeyey).

Aniga ahaan, markaan yaraa Carabi rasmi ayaan bartey. Waqti badan ba ka so wareegay, anigu aan isticmaalin, laakin in "igu filaan" waan fahmi kara. Hadan ka gudbo, tusaale ahaan lahjadayda rasmiga iyo kan tuunis lagu hadlo isku ma dhowo fahamka, isaguu laba lahjo oo isku luuqad yahay. Luqadooyinka Swedish iyo Norweigan dhexdood ayaa iga fudud fahamka, hadan isku bar dhigo lahjadooyinka maxaa tiri (keyga) iyo may tiri.

Ugu dambeeyn, su'aashan wa mid siyaaseed, ay ila muuqata. Xeer rasmi ah-na ma jiro, marka la go'aaminayo haddii u 'af' lahjad yahay amo luuqad goni ah. Madaamu siyaasi yahay, waxa fiican haddaan sidaan uga tagno. Haddi luqad goni loo aqonsado, waxaan ka baqaya in dhibaato dhaxdeena abuuro. Waayo, waxa dhici kara in umadda af-may may ku hadlo, dad shisheeye lo arko. Talaabo kasto waa in si taxaddar ahaan loo firiyo, inta aan wax kale loo gudbin.
 
Last edited:

Trending

Top