Al-Shabaab oo u hanjtay beelaha dagaalka kula jira
Posted by SBC Editor on September 19, 20220 Comments
Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan beelaha Soomaaliyeed, ee bilaabay inay la dagaalamaan Al Shabaab, ka dib muddo dheer oo dhibaatooyin xoog lihi ay ku hayeen.
Afhayeenka ayaa sheegay tan iyo intii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay qorshe uu isaga horkeenayo beelaha iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Afhayeenka oo ka hadlayay munaasabad uu tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya Al Shabaab ayaa beelaha ugu yeeray inay ka waantoobaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab, haddii kalena ay gacantoodu gaari doonto.
Waxa uu ku hanjabay beel kasta ama jufo kasta oo ku adkeysata inay Shabaabka la dagaalanto ay ka difaaci doonaan sida uu yiri diinta.
Cali Dheere ayaa yiri “Inta ayba cadowga la safan yihiin waxa ay bayaan u yihiin gacanta mujaahidiinta iyo seeftooda.”
Cali Dheere ayaa sheegaya inay ka warqabaan cid kasta, oo waxa uu ugu yeeray cadowga ku gacan siineysa abaabulka beelaha iyo inay Shabaabka la dagaalamaan.
Hadalka Cali Dheere ayaa imaanaya, xilli beelaha degga Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug qaybtood ay wadaan kacdoon ay kula dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaa