TAARIIKHDA CIIDANKA XOOGGA DALKA, & TALIYAASHII SOO QABTAY XILKA TALISKA (WARBIXIN)

Status
Not open for further replies.

Agent 47

21st Divsion of Somali National Army
thumb.jpg



Qaban qaabada munaasabad balaaran oo loogu dabaal-degayo Xuska Aas Aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku Asteysan 12-ka April ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Waxaana aad loo adkeeyay ammanka magaalada Muqdisho.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 57 sano Waxaana Munaasabadaasi ka soo qeyb-galay Madaxda ugu sareysa dalka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.


Haddaba Warbixin la xiriirta Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa Diyaariyay Tifaftiraha Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida Al-Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye oo ka tirsan Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.



Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.


Waxaana degmo kasta laga soo xulay 50 Askari, waxayna tababarka, ama kuruudku ay ku galeen Xerada Bootiko, oo haatan loo yaqaan Xalane, ciidankaasi ayaa ka koobnaa 8 horimood, waxaana Taliyeyaal looga dhigay 8 sarkaal oo markaasi qaatay darajada Kabtan ama Dhamme waxa ayna kala ahaayeen magacyadooda Saraakiishaasi.


1) Horinta Kowaad waxaa Taliye u noqday- Gen Maxamed Cali Samatar


2) Horinta Labaadna waxaa Taliye looga dhigay- Gen Salaad Gabeyre Kediye,


3) Horinta Saddexaadna waxaa Taliye ka noqday- Gen Maxamed Faarax Ceydiid


4) Horinta Afaraadna waxaa hoggaan ka noqday- Gen Cilmi Nuur Tareey


5) Horinta Shanaadna waxaa Taliye ka noqday- Gen Cabdalle Maxamed Faadil


6) Horinta Toddobaadna waxaa taliye ka noqday- Abuukar Xasan Wehliye (Suulaleey)


8) Horinta Siddeedaadna Taliye looga dhigay- C/dulqaadir Dheel.


Kaddib, markii uu ciidanku dhameystay tababarka waxaa loo kala qeybiyay 4 qeybood ku waasoo la kala dajiyay afar sal-dhig oo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho. Beled weyne Hargeysa. Baydhabo.


1-Qeybta Kowaad waxaa loo beddelay magaalada- Hargeysa


2- Qeybta Labaad waxaa loo beddelay magaalada- Beled weyne


3- Qeybta Saddexaadna waxaa loo beddelay magaalada- Baydhabo


4-Qeybta Afaraadna waxaa lagu reebay magaalada- Muqdisho.


Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan oo mid weliba leh qiimeeynteeda gaarka ah.


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, markii la Aasaasay waxaa Taliye Guud looga dhigay Alaha Unaxariistee Jenneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi (Feynuus) Abaanduulana waxaa loo magacaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, markii uu geeriyooday Taliyihii Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanadkii 1965kii, waxaa jagadaasi loo magcaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo Taliyaha Ciidanka ahaa tan iyo 1969kii, ka dibna waxaa beddelay Jenneraal Maxamed Cali Samatar.


Marxaladihii uu soomaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed waxaa loo kala qeybin karaa saddex marxaladood.


Marxaladda Kowaad:- waa intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1969kii, xilligii dowladihii rayidka, xilligaa ciidanka wuxuu ku jiray marxalad soo korid oo aan lahayn tababar sare iyo qalab intaba, inkastoo ciidanka tiro ahaan iyo tayo ahaanba uu aad u dhisnayn, haddana wuxuu guulo taariikhi ah ka soo hooyay dagaalkii 1964kii uu la galay ciidammada Xabashida Itoobiya oo uu Adduunkii la yaabay sida dowlad 4 sano jir ah ay uga adkaan karto ciidan boqortooyo ah oo saddex boqol sano soo jirtay kana ciidan iyo saanad badan.


Marxaladdii Labaad:- ee dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxa Uu ahaa intii u dhaxeysay Sanadihii 1969kii ilaa iyo 1990kii oo ah xilliga dowladdii militeriga ay gacanta ku heysay hoggaanka talada dalka.


Xilligaasi Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa xilligii uu ugu dhismo iyo tababar badnaa waxaana la ballaariyay dhismihii ciidanka, waxaa la dhisay ciidanka lugta iyo qeybaha kale ciidanka.


Ciidanka Difaaca Cirka, oo markii hore ahaa horimo gaar ah, sidoo kale, waxaa la ballaariyay qeybihii gobollada dalka kuwaasoo ay xarumo u ahaayeen Magaalooyinka- Muqdisha, Dhuuso-mareeb Hargeysa, Burco, Baydhabo iyo Kismaayo.


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii dowladdii militeriga wuxuu gaaray xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya, wuxuuna ka soo qeyb galay dagaallo iyo howlo nabad ilaalin oo nabadgalyada loogu soo celinayo dalalka ka tirsan Qaarada Afrika taasoo uu ku kasbaday in loogu yeero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Libaaxyada Afrika).


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuu mar kale dagaal uu la galay 1977kii Ciidamada xabashida Itoobiya, kaasoo isna nonqday dagaal kale oo runtii taariikh reebay oo ka yaabiyay dowladihii waaweynaa ee Ruushka iyo Mareykanka.


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, haddii dagaalkaas dowladda Ruushka aysan soo faragelin lahayn waxaa hubaal ahaa in Itoobiya gacanteeda uu ka bixi lahaa dhulka Soomaali galbeed.


Marxaladda Saddexaad:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laga soo billaabo laga soo billaabo 1980kii, markii laga soo noqday dagaalkii 77ka waxaa ku billowda Nusqaamid kaasoo sii socday ilaa 1989kii, xilligaasoo saraakiil iyo ciidan fara badan ay ku biireen jabhadihii mucaaradka ku ahaa dowladdii militeriga ahayd, taasina waxay dhalisay in awoodii ciidanka uu ku yimid dib u dhac.


Laakiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu ugu dambeyn uu burburay Sanadkii 1991kii, markii lagu amray in ay hubkooda ku wareejiyaan jabhadaha taasina waa tan sababtay in hubkii Ciidanka uu gacanta u galo shacabka dabadeedna la isku laayo qabiil-qabiil dalkana uu u kala go’go’o gobollo ay qabiillo u taliyaan.


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, intii uu jiray dagaallada dalka lagu difaacayay waxuu ka soo qeyb qaatay fatahaadihii webiga shabeelle 1961, taasoo uu gacan weyn ka geystay badbaadinta iyo soo bixinta dadka iyo duunyada ama xoolaha ee ku noolaa agagaarka webi shabeelle.


Sidoo kale, waxaa uu ka qeyb qaatay sama talabixinta dadkii ku waxyeeloobay abaartii daba-dheer 1974kii dalkeenna ka dhacday iyo dejintii dadkaasi markii dambe la dejiyay dhul-beereedka iyo xeebaha sida:- Kurtun Waareey, Sablaale, Dujuuma iyo Xeebaha Cadale iyo Braawe, loona bixiyay Dan-wadaagaha.


Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ka qeyb qaatay kalin muhiimna uu ka ciyaaray ololihii bacaad celinta ee Shalaanbood.


Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa dib loo abaabulay, kaddib dhismihii Dowladihii KMG ahaa, Ayadoo ujeeddadu tahay in dib loo soo celiyo maqaamkii uu ku lahaa Gobolka Ama Qaarada Afrika.


Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo weli ku jira dib u dhiskii iyo qalabayntii, haddana wuxuu durba guulo lagu faani karo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijiinta ee AL-Shabaab, isagoo garab ka helaya Ciidammada Midowga Afrika ee Amisom, si dib loogu soo celiyo Nabadgalyada iyo Horumarka Dalka.


Waxaana Soomaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Taliyayaal Kala Duwan Oo Sumacad Iyo maamuus balaaran ku Leh Ciidanka dhexdiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed Waxana Ka mid ah taliyayaashaasi.


Gen Daauud Cabdulle Xersi

Gen Maxamed Siyaad Barre

Gen Maxamed Cali Samatar

Gen Cumar Xaaji Masalle

Gen Aadan Cabdullaahi Nuur (Aadan Gabyow)

Gen Maslax Maxamed Siyaad

Gen Ismaaciil Qaasin Naaji

Gen Cabdi Axmed Guuleed


Gen Cabdullaahi Cali Cumar (Ina Libaax San Kataabte)

Gen Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif)

Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)

Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal

Gen Maxamed Geele Kaahiye

Gen Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini

Gen Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarse)

Gen Maxamed Aadan Axmed (Gen Buud)

Gen Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid)

Gen Cabdiweli Jaamac ( Gorod)

http://snaradio.net/so/articles/1782/Taariikhda-Ciidanka-Xoogga-Dalka-Warbixin
 
Status
Not open for further replies.
Top