Somaliland President Muse Bihi refuses to attend the funeral of former Somali Interior minister Jama M Ghalib in Hargeisa for being a Unionist

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Muse Bihi is huge hypocrite and a principles self centered pig, he refused to ettend Jamac Mohamed Qalib's funeral just 4 Km from his #VillMorgan residency in Hargeisa, let me remind you that dictator Muse Bihi didn't fail to showed up his cousin Cumar Carte funderal who was also Somaliweynist and hated the idea of Somaliland separation from Somalia.

Sababta uu Madaxweyne Muuse uga baaqday aaskii Janaraal Jaamac oo soo baxday!​


Hargeysa (QJ): Dhawaan waxa magaalada Jabuuti ku geeriyooday Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana 29kii Bishan la gu aasay duleedka Magaalada Hargeysa. Aaska oo dawlad iyo shicib baa an loo kala hadhin, waxa ka maqnaa Madaxweyne Biixi, waxa se joogay ku xigeenkiisa iyo koox wasiirro ah. Maqnaanta Biixi dad badan baa is waydiiyay, oo aad na u dhaliilay.

Shabakadda Qurbejoog News waxa ay hadda ogaatay in labadii maalmood ee aaska ka horeeyay ba, koox wasiirro ah oo uu hormuud u yahay Siciid Sulub, ay doonaayeen in ay ku qanciyaan Madaxweynuhu in uu aaska ka qayb galo, wuuse ka diiday.

Qurbejoog News waxa ay ogaatay in Madaxweynuhu uu ku dooday in aanu tegayn nin jiritaanka Somaliland ka hor jeeday soddonkii sanno ee laga soo gudbay. Dooddaas wasiirada Muuse ma ku qancin, ilaa subaxdii aasku dhacaayay na kulammo dhawr ah oo ay la yeesheen wax natiijo ahi ma ka soo bixin.

Marka ay sidaas tahay, laba qodob ayaa mudan in hoosta la ga xariiqo – marka 1aad, Afhayeenka Madaxtooyadu qoraal tacsi ah buu ka soo saaray geerida Jaamac. Marka labaad,

Muuse waxa uu ka qayb galay aaskii Marxuum Cumar Carte, Gudoomiye Cabdi Xaashi oo midnimada Soomaaliya ku adag na, waxa uu ku dhawaaqay in uu Mujaahid yahay –

kalmadda ‘Mujaahid’ waa erey bixin siyaasadeed, oo la siiyo dadka ka qayb galay halgankii Somaliland ay ka dhalatay, ee ku adag gooni isu taagga dalka.

Marka hadaba la eego is diidada halkan ku jirta – qoraal tacsi ah oo rasmi ah, iyo diidmo ka-qayb-gal oo dhinac ah, iyo odayaasha Qaalib iyo Carte oo isku mawqif ka taagnaa Somaliland, oo midkood uu aaskiisa diiday midna ogolaaday Madaxweyne Muuse, waxa ay muujinaysaa laba amuurood.

In anu Madaxweynuhu fahamsanayn micnaha ay leedahay in uu qoraal rasmi ah soo saaro, taas oo ogolaansho ka dhigan, isla markaana ka hor iminaysa mawqifkiisa shakhsiga ah, ee uu ku diiday ka-qayb-galka aaska. Iyo marka xiga, in uu Madaxweynuhu isu arko oday reer, oo dadka reerka ka soo jeeda,

mawaaqiftoodu waxay rabto ba ha noqotee, uu u arko Somaliland dhab ah, mid nool iyo mid dhintayba. Si kale hadii loo dhigo, micnuhu waxa weeye in aanu Biixi dhab ahaan fahamsanayn micnaha xilka uu hayo.

Muuse iyo kursigu waa isku cadibanyihiin baa la yidhaahdaa, mar kasta na dhaqanka Madaxweynuhu taas buu ka marag furayaa.

Musuuliyiintii ka hadlay Aaaska iyo geerida Jaamac Yare ayaa gidigood ka marqaati kacay doorkii Marxuumku ku lahaa dib u xoreyntii dalka iyaga oo intaa raaciyay in Madaxweyne Biixi maraba isku dhererin karindhaliili karina.

This image has an empty alt attribute; its file name is bihiyare-e1651371258906-1024x512.jpg


https://www.qurbejoog.com/sababta-u...baaqday-aaskii-janaraal-jaamac-oo-soo-baxday/
 

Trending

Latest posts

Top