@Laagite did you read the Warsangeli and SNM government's final agreement, apparently they Warsan cheifs of Ceerigaabo demand a full political/economical/social Power sharing with SL.
The best part of this social contract Warsans signed is that it would only be valid after six months after Muse bihi has successfully met their demands, then and then only the Warsangeli community will show full support and adherence to the middle clan dominated administration.
If you guys look at their list of demands(Linked below) it includes finishing Ceerigaabo-Badhan road and also recognition of Dhahar as a new regional capital ciy town just like the way PL did(Haylan) years prior.
Frankly speaking, both of these are quite impossible for a lousy and a khathead like Bihi to finish these task just in time, I mean Dhahar and past outskirt of Ceerigaabo and Badhan areas are fully controlled by Puntland and it is no go zone and out of reach for Somaliland.
www.baargaal.net

Home
somaliland
warsaxaafadeed
Sawiro: Shirka Beelaha Warsangali Oo Laga soo Saarey Qodobo Ay kula Heshiiyeen M.Biixi.
2 min read
![]()
Shirkii Beelaha Warsangali ugu socday magaaladda Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay isla afgarteen xukuumadda Somaliland iyo BEEL weynta Warsangali, kaas oo lagu sii horumarinayo Somaliland iyo shacabkiisa.
Sultan Maxamed Sultan Xasan Jibriil oo akhriyay Qodobada ka soo baxay Shirkaasi Mideeye ayaa ayaa sheegay inuu heshiiskani salka ku hayo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Warsangali.
Waxaanu U Dhignaa Heshiiskaasi Sidan:-
Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiin, Cuqaasha iyo Waxgarad Beesha Warsangeli ee Shirka Mideeye laguna qabtay Xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Ceerigaabo 01/06/2022 ilaa 15/06/2022 shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dhammaan Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Beelaha Warsangeli laguna gorfeeyay Arrimaha Siyaasiyeed, Nabadgelyo iyo Horumarineed ee Beelaha Warsangeli ee Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha Dawladda, Amniga, Caddaalada, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo awood qaybsiga Beelaha Warsangeli iyo Xukumadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Warsangeli waxay ku heshiiyeen Qodobadan Hoose ku qoran :
1. Beesha Warsangali waxay si buuxda uga mid tahay, kana mid ahayd beelaha Somaliland, waxayna la wadaagtaa Dhib iyo dheefba sida Nabadgelyadda, Horumarinta arrimaha Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaale iyo Difaaca Qaranka.
2. Xukuumadda Somaliland waxay ballan-qaaday Dhismaha Kabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshadda sida Dekadda Laasqoray iyo Waddada Ceerigaabo-Badhan, Biyaha, Caafimaad, Waxbarashadda I.W.M
3. Xukuumadda Somaliland waxay dib-u-eegis iyo tixgalin siinaysaa tabashada Beesha Warsangeli ee Waaxda Fulinta.
4. Dawladda Somaliland waxay aqbashay in Degmadda Dhahar loo magacaabo Gobol iyada oo loo raacaayo Nidaamka Goboladda iyo Degmooyinka, Wixii khuseeyaa degmooyinka waxaa u xilsaaran wasaaradda Arrimaha Gudaha sida Degmooyinka Cusub, dalacsiinta degmooyinka hore I.W.
5. Xukuumadda Somaliland iyo Beesha Warsangali oo ay hogaaminayaan salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelaha warsangeli waxay si wadajir ah uga shaqaynayaan fidinta Maamul ee Dawladda Somaliland ee Deegaamada Beelaha Warsangeli.
6. Xukuumadda Somaliland waxay garowsatay in Beesha warsangeli ka qaybgasho Bahda garsoorka ee Somaliland.
7. Xukuumadda Somaliland waxay tixgalinaysaa in Beelaha Warsangeli laga siiyo Saami shaqaale Dawladda Somaliland.
8. Fulinta heshiiskan wuxuu dhaqangalayaa maalinta la saxeexay, waxaanu dhamaystirmayaa 5 bilood gudohood.

Sawiro: Shirka Beelaha Warsangali Oo Laga soo Saarey Qodobo Ay kula Heshiiyeen M.Biixi.
Isha wararka horumarka Degaanada Calbari ,wararka Baargaal , taageer,Muudiye ,Waadi Khayr ,Xoogaad ,Tooxin , Bareeda , Ceel Laas , Caluula