Another one. This time about a goat herders first experience with camels.
Wiil ariga raaci jiray oo caqli yari lagu xaman jiray baa maalin oday ay qaraabo ahaayeen la joogay meel miyi ah. Wuxuuna ahaa nimaan weligiis geel raacin oon geela aqoon u lahayn. Waxaa dhacday in uu odaygu u baahdo inuu tuulo aan sidaa u fogayn arrin ka soo dhameysto, odayguna nin geel badan iska leh ayuu ahaa. Wuxuu wiilka ku yiri "intaan ka soo laabanayo tuulo heblaayo, nirigtaa yari oo dhawaan dhalatay bal isha ku hay kollayba geela kale ma ilaalin kadhid", sidii na ayuu ku tegey odaygu.
Wiilka oo weligiis ari iyo lo' mooyee aan geel wax badan ka arag baa nirigta indhaha la raacay, mase waaba iyadoo markay istaag is tiraahdo ba kolba dhacaysa. Wuxuu is yiri, malaha lugaheeda dhaadheer ayay dhibtu ka jidhaa oo ay la istaagi kari la'dahay. Intuu baangad soo qaatay ayuu lugihii dhexda ka jaray kkkk
Cabbaar kadib ayuu odaygii soo labtay, mase nirigtii yareyd intuu ku ogaa barkeeda ayay tahay
Suu yiri "War maxaa ku dhacay nirigta inleen adigaan kaaga tegeye"
Wiilkii wuxuu mooday inuu odaygu ka yaaban yahay siday lugaheedu weli u dhaadheer yihiin, wuxuuna ku jawaabay:
"Ma intaan baad la yaaban tahay? Wixii aan ka guray baa ka daran"
Ala beerka this shit is hilarious. Best thread in a while.
Also I gotta say just like @SilverL mentioned earlier. It is really easy reading your stories, sii fiican baad u baratay af somaliga mashaAllah
Man this is my sheeko xariir before I go to bed, keep them posting this thread needs to stay alive