A story about how somalis love meat
Maalin baa wiil iyo aabihiis oo reer iska xoolo yar ka soo jeeda, wax badanna gacanta ugu jirin aan ka ahayn in yaroo ay ku noolaadan, Alla-bari loogu yeeray. Maadaama ay sabool ahaayeen, waxay ku tashadeen inay si fiican hilibka uga soo dhergaan. Mid waliba isagoo gaajadii horay u haysay, iyo tii hadda haysa, iyo tu ka yaaban yahay ba isu diyaariyay inuu u cuno, bay Alla-barigii tageen. Odaygii aabaha ahaa raggii la da'da ahaa ayuu la fariistay halka wiilku uu saaxiibadiisa u leexday. Inkasto aysan isla fadhiyin, ma ay kala fogeyn oo waa is arkayeen.
Markay odayaashu duceeyeen oo hawshii loo yimid ay soo afjarantay baa cuntadii la keenay. Sida ay ballantu ahayd, hilibka iyo in yaroo bariis ah oo ay ku liqaan mooyee waxa kale oo la soo dhigay uma muuqan wiilka iyo aabihiis. Iyagoo hilib-dilkii meel dhexe ka maraya ayuu aabihii wiilkiisa isha ku xaday, mase waaba kaasoo markuu cad afka geliyaba biyo ka dabageynahaya. Odaygii wuxuu u xanaaqay si uusan horay u xanaaqin, ma maanta oo ay fursad u heleen inay hilib cunaan buu caloosha biyo ka buuxinayaa? Isagoo damacsan inuu isla daqiidaas gacan u qaado buu is yiri "dadku yay kula yaabine, horta meesha halagu kala tago".
Goortuu dhammaaday Alla-barigu ayay bannaanka isku heleen. Wiilkoo faraxsan baa dharbaaxo ordaysa la kulmay.
"Aabe waxaan galabsaday waa maxay oo aan dharbaaxada ku mutay?"
" Waryaa waad edebdaran tahaye maxaad biyo uga buuxisay meeshaad hilibka gelin lahayd"
" Aabe macaan sidaad moodday ma ahee, markay calooshu i buuxsanto oo aan is iraahdo wax kale boos uma haysid yaan biyaha ku kala dejiyaa"
Dharbaaxo labaad ayuu ku qabtay. Markaasuu haddana cabaaday:
"Oo aabe tan na maxay ahayd, dadka ma iska dharbaaxin?". Suu yiri
" Waryaa maxaad iigu sheegi wayday, aniguba wax hilibka ii kala dejiya waan u baahnaaye"
kkkkkkkkkkkkkkkkkk