Puntland Govt Opens An Import/Export Quarantine Service

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO BOOSAASO KA DAAHFURAY XARUNTA TAYO DHAWRKA PUNTLAND.


Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maaanta 02 August 2017 xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoona Madaxweynuhu digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn .

‘’ In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland ,waana mahadsan yihiin ciddi ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

”Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doono ,Puntland lama keeno doono ,cidii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii alle yiraahdo ”Ayuu yiri Madaxeyne Gaas .

Ugu danbayntii, xukuumadda Dawladda Puntland oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa ku guulaystay mudo yar gudeheed In la hirgeliyo shaybaarkaan casrig ah kadib markii badeecadaha Puntland ka baxa loo helay suuqyo casri ah oo dadaal badan dawladdu ku bixisay ,waxaana sheybaarkaan ku howlgalaya howlwadeeno xirfadoodu sarayso una tababaran qalabkan casiriga ah ee xarunta yaal.

==DHAMMAAD==

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Now This is an excellent initiative. Quality Food Services in Puntland. No more expired or unhealthy crap from overseas. Let this be a warning to you rogue business-men trying to harm the people so you can make a quick buck. Everything will be monitored the second they come off the port and if it's not up to standard, guess what? it's going in the bin.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top