Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Said Abdullahi Deni, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah oo maraya meel geba-gebo ah, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha xaruntan oo hab casri ah loo dhisayo.