Guddoomiye ku-Xigeenka barlamanka Puntland iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Dr.C.fitaax Nuur Ashkir ayaa maanta Wafdi Cumaani ah oo ka kooban guddoomiyaha rugta ganacsiga, hayβadda Maal-gashiga Cumaan iyo Madaxtooyada Saldanadda Cumaan.
Wafdiga Cumaan ayaa raba in uu dib-u-noolayn ku sameeyo xiriirkii Soo jireenka ahaa Ee Puntland iyo Cumaan u dhaxeen jiray.
Wasiiru dowlaha Warfaafinta, isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland ayaa hadalkiisa ku bilaabay βXiriirka aan Cumaan la leenahay waa mid soo jireen ah,oo salka ku haya ganacsi,dhaqan,Xiriir u dhexeeya labada dad ee kala deggan Cumaan iyo Puntlandβ.
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland ayaa asaguna wuxuu yiriβ Puntland waa dhul dehin oo u baahan Maal-gashi in la gashado, waan soo dhawaynaynaa Wafdiga Cumaan nooga yimidβ.
Wafdiga ayaa u jeedkiisu yahay sidii loo kordhin lahaa xiriirka ganacsi Ee labada dal,waxayna la kulmayaan Madaxweyne ku Xigeenka,waxay sidoo kale booqanayaan rugta ganacsiga,dekedda, garoonka diyaaradaha Bosaaso,iyo sidoo kale Maxjarada.