Isu guurka kala Guurka iyo Hardanka Kooxaha Danlayda siyaasadeed ee Puntland
1- Kooxda koowaad ee abaabulan waa kooxda Aaaran Jaan oo dhanka maslaxda uu hogaamiyo M.Shiddo , dhanka fulintana Wasiir Xassan Abgaal. Kooxdu waxay aaminsantahay in Deni oo ay hoos joogaan ay ku shaabadaynayso inay xisbi xaakim 5 sano Puntland soo xukumay yihiin aana laga aqbali Karin rakaadasho. Waxay haatan dan wayn ka dhexraadiyaan dagaalka Deni kula jiro oo waxay doonayaan inay xoqdaan karaka mucaaradka , waxayna baaq dadban oo isu soo dhawaansho ah u dirayaan kooxaha kale ee Deni kaso horjeeda ee reer PL.
2- Kooxda kale waa kooxda uu Deni ugu yeeray kuwa hubaysan oo uu ula jeedo PIS ama kooxda uu hogaamiyo Jeneraal Assad Diyaano. Kooxdu in kasta oo Deni dhanka jifida aad isu xigaan oo ay Qardho kasoo wada jeedaan , waxay walwal badan ku hayaan Deni oo u arka kuwa ku haysta gobolka Bari oo xildhibaanada ugu badan kasoo jeedaan. Kooxdaaan waxay dhanka siyaasadda ku matala ururka Mideeye , balse Deni ayaa kala jabiyay ururka sida muuqata oo isbahaysi la galay wasiirka Arrimaha Dibadda , Abshir Cumar Huruuse ., oo ahaa xogyaha guud ee Mideeye , kaalin wayna u lahaa dismaha ururka Mideeye. Kooxda Assad waxay doonayaan inay gadaan inay yihiin isbedelka dhabta ah , loona cimaamado madaxtinimada PL 2024 , aana la maqal musharixiinta Nugaal ee qisimkooda kusoo qaatay hagbadda Deni . Xidlhibaan Hiirad Muxamaed Aw Muuse oo ka tirsan golaha degaanka Eyl kana tirsan ururka Mideeye ayaa dhawaan saxaafadda u sheegay in xubno sarsare oo ka tirsan Mideeye ay si toosa uga dalbadeen in Deni u tanaasulaan oo kala shaqeeyaan in gudoomiyaha iyo ku xigeenkaba uu ururkiisa Kaah wada qaato Eyl. Inkasta oo aanu magac sheegin haddan xog sugan ayaa sheegaysa inuu ula jeedo Xoghayihii hore ee Mideeye , ahna hadda wasiirka arrimaha dibadda heer federal.
3- Kooxda Deni ee xisbul xaakim ah maaha kuwa u abaabulan sida 2da koxoood ee hore balse waxay awoodaan iyagoo ka faa’iidaysanaya awoodda iyo dhaqaalaha ay ku fadhiyaan inay wiiqaan kooxda Assad ee Bossaso iyo kooxda Shido ee Garowe oo ay u arkaan 2dii xoogood ee Xamar ku fashiliyay , cadwgooda 1aad na ah . Deni wuxuu kale oo heshiis la geli karaa shakhsiyaad aan la dhayalsan Karin oo reer PL oo u sharaxan jagada MW , isagoo kula ballami kara inay isaga ugu shubaan hadday haraan ama isagu ugu shubo , si loo fashiliyo doonista waxa uu arko kooxaha hubaysan iyo kuwa qaabka qabiil u abaabulan.
4- Waxaa jira kooxo kale oo samaysmaya oo ay wataan musharixiin kale , kuwaan oo iyagu olole iyo galangal hoose wada , balse gaabsanaya oo doonaya in 3 da kooxood ooh ore hardoonkiada aanay dhex boodin . Musharixiintaan waxay u arkaan 3 kooxood ee ay kala higaaminayan Deni, Assad iyo Shido kuwa kooxaysan ,oo aan waxba lagu darsan Karin , waxayna u arkaan kuwa ah deep state ama dowlad aasan , o oleh dhaqaale iyo galangal badan oo ay qabaa’ilka ku kala jiidan karaan. Kooxdaan wali awoodooda bannaanka uma soo bixin ,balse waxay kasoo kala jeedaan gobolada oo dhan , waxayna doonayaan musharax aan ahayn 3da koxood ee hore .
Isku soo wada duub, Deni wuxuu doonayaa inuu doorashada golaha deegaanka bilaabo, xitaa 10 degmo haddii ay ka hirgeli karto, markana ku dhawaaqo 3 urur oo kusoo baxay oo xisbi noqday , sidaasna isla 10 degmo doorasho baarlamaan uga dhacdo . Habkaan waa habka kaliya ee uu aaminsanyahay inuu uga adkaan karo kooxaha Bari iyo Nugaal ee abaabulan , rajo badana kama qabo habka 66 inuu ku soo bixi karo. Dad badan oo aan doonayn habka 66 ee reeraha ayuu taageero ka haystaa . Waxaa kale uu taageero uga helayaa habkaan siyaasiyiin quustay oo aan aaminsanayn inay habka 66 ee xulista odayaasha inay wax ku heli karaan. Deni wuxuu kale oo gacanta ku hayaa TPEC oo aan haatan joogin gudoomiye hannaanka inuu saamayn ku yeesho ka hor imaan kara , waxaana uu wadaa qorshe xeerarka TPEC dib loogu eego oo awood badan siiya wasaaradda arrimaha gudaha . Sidoo kale , waxaa jira isku day wayn oo Deni ku doonayo inauu ku kasbado Jabiye iyo ururo kale oo yaryar si uu u wiiqo guul ay Mideeye ka gaari karaan doorashada degmooyinka haddii ay dhacdo.
Dhanka kale , kooxaha abaabulan ee Deni baratanka kula jira , ayaa dareensan qorshaha Deni waxayna u arkaan dooarshada uu wado mid uu doonayo inuu ku booboo o mashruuc dib isu doorasho ama muddo kordhin uu ka dhex raadinayo. Waxay ka faa’iidaysanayaan ceebaha jira sida inaan maxkamad sare jirin oo baarlamanku diiday ansixintii golaha saree e garsoorka , waxayna 2da kooxood isbahaysi dadban ka dhex sameeyeen diidmada golaha sare ee garsoorka oo xildhibaanada ku jira golaha wakiilada PL ee kala taabacsan Aaaran Jaan iyo kuwa Aassad isku si ayay u diideen golaha saree e garsoork