Karbash of the decade: Ismail Yare vs Muuse Bihi Abdi Dameer (nickname)

Status
Not open for further replies.

Bohol

VIP
Ismail Yare exposed 50 plots of land Muuse Abdi is occupying illegally in west Hargeisa and
numerous other land disputes he is involved in Abaarso and Geed Deeble, they are both
from the same area. He also said his grandfather was nicknamed Dameer.


The video has over 10k views already and it was posted today.

“MUUSE BIIXI WAA KUMA? ISMAACIIL YARE OO AFKA FURTAY












"Muuse Biixi In Ka Badan 20 Dacwaddood oo Dhinaca Dhulka ah Baa Kaga Furan Maxkamaddaha Dalka." Ismaaciil Yarre
(Hadhwanaagnews) Saturday, August 05, 2017 18:20:37
“Muuse Waa Aafo u Baahan in Laga Badbaadiyo Dalka iyo Dadka ba.”. Muuse Biixi



Hargeysa(HWN):-Ex-Wasiir/Siyaasi Ismaaciil Yuusuf Aadan(Ismaaciil yare) oo hada ka tirsan saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si weyn u dhaliilay siyaasadda hoggaamineed ee guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay in uu yahay shakhsi aan u qalmin hoggaaminta dalka isla mar ahaantaana ah aafo loo baahan yahay in laga badbaadiyo dalka iyo dadka ba, isaga oo si weyn u soo bandhigay fadeexado la xidhiidha dhulal kala duwan oo uu awood kaga qaadey dad muwaadiniin ah kuwaasi oo uu sheegay in illaa hada in ka badan 20 dacwaddood oo dhulal ahi ay kaga furan yihiin Maxkamadaha dalka.

Siyaasi Ismaaciil yare, ayaa sidan ku sheegay shir-jaraa’id


oo uu maanta ku qabtay xarunta dhaxe ee WADDANI, waxaana uu ugu horreyn boggaadiyey siddii milgaha lahayd ee guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu u wareejiyey guddoomiyenimadii Golaha Wakiilada Somaliland.



"Marka hore halkan waxa aan ka salaamayaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweynaha xisbigaasi oo aan ku hambalyeynaayo siddii fiicnayd ee uu u wareejiyey guddoomiyenimada Golaha Wakiilada Somaliland, waxa kale oon halkan ka salaamayaa Murashax ku xigeenka iyo Madaxda kale ee Xisbiga WADDANI.".Ayuu yidhi Ismaaciil yare

Siyaasi Ismaaciil yare, waxa kale oo uu jawaabo kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE oo ku eedeeyey in uu hore u boobay dhul dan guud ah, waxaana uu soo bandhigay sida uu bari uga yahay boob dhul iyo hanti umaddeed ba isaga oo sida oo kale na weerar afka ah ku qaadey Xasan Gaafaadhi oo uu sheegay in uu isagu laf ahaantiisa ku soo daray Xisbiga KULMIYE, waxaana uu yidhi:-

"Waxa aan jeclahay in aan maanta halkan jawaab ka bixiyo hadalo laaqi ah oo ka soo yeedhay Afhayeenka KULMIYE oo uu soo faray guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi oo Afhayeen idinkaa u yaqaanee anigu waxa aan u aqaanaa Makrafoonka Muuse Biixi uu ku hadlo, waayo haddii uu Xisbiga Afhayeen ka yahay wuxu Xisbiga ka difaaci lahaa eedaha loo soo jeediyo laakiin kamuu hadal ee waxa uu ka hadlay dhul la qaatay iyo hanti la qaatay iyo meel baa waxaas la la maray iyo Muuse Biixi faylkooda ayuu hayaa iyo wax aan looba jeedin oo anigii baa ba yaabay oo idhi kuwaa kumaad darsan ba hadalkaagii yee maxay dib uga ga noqdeen. Kolkaan yaabay anigu oo sidaan ku aqaanay aan ka waayey horta KULMIYAHA uu ku jiraa go'aankiisa may ahayn Xasan Gaafaadhi oo anigaa geeyey Markhaati na waxa iiga ah Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo ninkii fariidka ahaa ee gaabnaayee Xirsi la odhan jiray, deedna Madaxweynaha intaan u tagay baan ku idhi Madaxweyne ma aragtay ina Gaafaadhi ileyn nagu Madaxweynaha ayaanu u tagnee umaanan tagin Muuse Biixiyee , deedna wuxu yidhi maya, waxa aan idhi horta aniga tayda joojiya oo imika u yeedha, waydiiya isaga, markii baan intaan dhaadhacay aan ku idhi imikaan kuugu sheegay oo waa laguu yeedhayaa yee u tag imika, waayo waxa aan arkaayey in uu lumaayo oo gacantaan ku hayey laakiin waxa aan islahaa ninkii gacanta ku hayey ku soo noqon maayo. Reer barigu kelmadda hooriga wax kale oonan halkan ka sheegaynin bay u yaqaaniin se galbeeedkayga doqonka ayaa loogga yaqaanaa markaa isna waa kaas uun.".

Siyaasi Ismaaciil yare oo ka sheekeynaaya dhulalka kala duwan ee dacwadahoodu Maxkamadaha kaga socdaan Hargeysa, ayaa waxa uu yidhi:-"Muuse Biixi wuxu inankaas soo faray oo uu aniga igu eedeeyey dhul buu qaatay iyo dhul buu boobay. horta dhulka waxa ka masuul ah oo ama qofka siyaasiga ahi ha qaato ama ama ba yaanu qaadaninee horta waxa ka masuul ah dawladda oo waxa kala jira dhul ay dawladi lee dahay iyo dhul ay dawladda hoose bixiso oo inta ay dadka ka soo jarto ay cidda ay doonto siiso, ninkasta oo Madaxtooyadu tidhaa siiya ay siiso ama muwaadin ha ahaado Madax kale e', qofka na haddii hunguri ka galo dhulka waxa uu weydiistaa duqqa caasimadda oo anigu wakhtiga aan ka hadlaayo Jiciir baa joogay oo wuu i maqlayaa yee waydiiya oo weligay inta aan arki u qortay baloodh imuu siinin oo haday beentay tahay ha ka jawaabo oo anigaa taa siiyey laakiin ninka aniga wax i siiyey wuxu ahaa xoghayaha guud ee maanta halkan jooga(WADDANI) , Jiciirna meel uu i siiyey xoghayahii dawladda hoose ee ina aw Aadanna dibbuu iiga qaaday aniga waanan ka wada hadalnay, waanuu og yahay waanan ka wada hadalnay. Se hadaan ka waabo arrimaha dhulka khuseeya Muuse wuxu yidhi Ismaaciil yare Maxkamado ayaa kaga socday Hargeysa oo looggu haystaa dhulal kala duwan oo ah dee intii uu Muuse u sheegay ina Gaafaadhi, Muuse ayaa intaa ku yidhi ileyn isagu waxba ma ogee, waxa aan lee yahay aniga wax dacwado ah keliya hal meel baa la iga ga furay dacwad Maxkamadda ah, kaasina wuxu ahaa dhul ay aniga igu wareejiyeen Xasan Xaydh, Ismaaciil Caynte, Aw Aadan, Ina Uurcadde oo dhul la iga iibiyey buu ahaa aniga, deedna ciddii iyaga siisay baa aniga igu qabsatay oo Maxkamadda dacwad ka furatay, waxaygu na waa ay ii cadaadeen, Maxkamadahu na way ii xukumeen haday gobal tahay iyo mid sare ba, waxna ma qariyo oo weligay iyo Allahay aniga taas uun baa iga soo martay hadaan se Muuse u dhaadhaco isagaa dhiiqada dhex fadhiyee oo ninku haddii uu dhiiqada dhex fadhiyo wuu qastaa, Muuse xaar dhex fadhiyaa oo uu qasanayaa yee Muuse Biixi waa ninka qudha ee Madaxweynimo doonaya oo nin muwaadin ah oo siddii ahaa raggii soo halgamay oo saraakiishii sar sare ahaa oo isaga ciidan ahaa ka sareeyey dhulka ku haysta weeye, hadaanan dib ugu noqdo horta Muuse Biixi weligii dhul kumuu yeelan Hargeysa, aabahii baa hal guri ku lahaa oo Goljano ah isaga oo kabtan ah malaha wuu is ilowsan yahee waan xasuusanahay oo ina shiid cumar la socdo oo isagu na kabtan ah ayaa odeygii Xaashi oo 95 jir ahaa oo isna Maayirka caasimadda ahaa wuu nool yahay e' ee uu xidhay beriga dhaweyd ee saddexda bilood isaga u xidhnaa ayuu u yimi waana kabtan isagu markaa deedna wuu u yimi oo wuxu ku yidhi labadaa meelood mid i sii oo berkaddaa biyaha ee Hargeysa laba sakadood oo ka hooseyey oo mid ka mid ah aan cid la siinin Shiinaa garanaya oo gaashaanle sare ahee Madaafiicdii difaaca cirkaa deganeyd markaa lama ogaleyn rasaasta dhacaysa in filidhkeedu uu dadka gaadho, sekaddaas baa isaga iyo ina Shiine aan siiyey oo dhulkii ugu horreeyey anigaa Hargeysa ka siiyey maanta an Konton Baloodh iyo wax ka badan buu Hargeysa ku lee yahay iyo intaas oo aqal oo dhisan, yaa siiyey, maanuu ahayn ninkii isaga oo cumaamad yar oo cas xidhan oo wax Allaale iyo wax uu haystaa ayna jirin dalka soo galay, habeena muu shaqeysan, meel na baayac mushatari kamuu noqonin, meelna umuu shaqo tagin halkee buu ka keenay ileyn anigaa ba siiyey labadii baloodh ee u horreeyey e' oo ina Shiine na laba ayaan siiyey isaga na laba ayaan siiyey, ina Shiine aqal buu ka dhistay isagu na labadii kale inamo uu adeer u yahay oo ay ilmaadeer yihiin baa deganaa markii u dambeysay oo uu dejiyey isagu.".

Ismaaciil yare oo weli ka hadlaaya dhulka uu boobay Muuse Biixi, ayaa waxa kale oo uu yidhi:-"Hadaan u soo noqdo dhul boobka Muuse ninkaa aan sheegayo Cismaan Dacas baa la yidhaahdaa oo dhowr iyo siddeetan aniga oo joogna ayaa beertii geed deeble la odhan jiray la siiyey isaga oo wax ku beerayey oo uu sheegay intuu uu Tv-yada ka hadlay oo uu sheegay in weli ba ninkii khudradda u iibin jiray in uu ahaa anaga reerkayaga oo way duuban tahay oo wa la soo deyn doonaa markaa beertii sidaas ahayd Muuse wuxu yidhi anigaa xoreystay oo illaa maanta isagaa sidaas ku haysta, Madaxweyne na dalkan wuu ka doonayaa markaa Habar-jeclooy Muuse waa kaas, waa ninka Cismaan Dacas beertiisii Geed-deeble illaa maanta ku haysta, bal ninka Isaaq ee nin daaraada xoog ku haysta soo sheega, dadkii daaroodka ahaa aqaladoodii ay ka tageen baa loo celiyaa habeen iyo maalin ba, sidaan hore na u sheegay dad iyo dawlad ba cid ka qabata waa uu waayey, maalin walba na waa uu hadlaa oo cid ma eegto, dadna waxa ugu xiga Maxamuud Xaashigan oo isna sidaas uma soo eego, horta Muuse waa kaas oo waa ninkaa haysta beertaa Cismaan dacas ee la siiyey ee aan anagu marag uga ahayn.".

Ismaaciil yare, waxa kale oo uu yidhi:- "Muuse wuxu xoog ku haystaa oo aan cidna ka qabaneyn oo Maxkamadaha kaga jira ilma Cabdillaahi Jire, waa la garanayaa, waa Guuleed hotel dabadiisa, dhulkaasi anaga oo hawlaha guud u shaqeyna ayaa Cabdillaahi Jire bedal loo siiyey isagaa maanta ku haysta oo adeerkii dejiyey illaa maanta waana la og yahay, anigu wasiir daakhili baan ahaayoo ha igu markhaati furin buu yidhi oo warqaddii markaan u qoray ileyn waan garanayaa yee Ina Cismaan Qaate ayaa la i yidhaahdaayee oo xoog iyo quwad baa looggu bixiyey awoowgay oo 27-jir buu ku dhintay, isagu na waa Muuse Biixi Cabdi Dameer weeyaan, nin walba naaneys buu lee yahay, nin walba na naaneys buu lee yahay oo uu ku abtirsadaa. Ta kale haddii aad kor u yara dhaafto Saldhigan Koodbuur waa deyrka midigta kaa qabanaya oo waa la wada garanayaa odyegii Goodir waa la wada garanayaa ee dhintay, inankuu soddoga u ahaa ee Caydaruus ayaa lahaa deedna waa kii ka qaatay si walba Goodir waa uu u la hadlay, waana uu diidey in uu celiyo, taas na iskaga soo gudub, buurtaa kala jeexan ee labada tallaabo innoo jirta anaga reerkayaga Cabdalle Siciid baa la yidhaahdaa deedna kuwii deganaa ayuu illaa maanta ku haystaa oo uu lee yahay waa beertaydii, ma isagaa beer ba yeeshay weligii ba Hargeysa ay ku yeesheen isaga iyo aabihii toona, beerahaa anagaa Hargeysa deegaan u ahayn oo ku lahaa. Dhinaca waqooyiga marka iyana loo dhaqaaqo qolo abtiyaashay ah oo geed deeble ah ayuu iyaga na meel ku haystaa, waana ay joogaan, magacooda na halkan waxba ka sheegi maayo. Abaarso iyada na wuxu ku haystaa qolo Cabdalle Sacad ah iyo qolo kale oo reer Axmed ah, markaa Muuse isagaa ceebtiisa fadhaayee cid aanay dhul isku haysani ma jirto oo waa dhulka oo qudha.".

Ex-wasiir Ismaaciil yare oo weli arrimahaas ka hadlayaa, ayaa waxa kale oo uu soo bandhigay guryaha dawladda ee ku yaala agagaarka shacabka ee uu hada xoogga ku haysto.

"Haddii loo soo noqdo dhulka ay dawladdu lee dahay waxa weeye guriga shacabka ee uu degan yahay sida aan anigu ba guriga shacabka u deganahay buu u degan yahay oo imikaa la igu yidhi Madaxweynahaa siiyey oo anigu taas ka hadli maayo, se dhulka waqooyiga ka xiga ee isaga iyo ina Cabdi Gaboobe u dhaxeeya nin Inaadeerkii ah buu dejiyey wax Allaale iyo wax uu lee yahay na ma jirto, waana uu deyrtay markaa bixinta Madaxweynahaa bixiyee bal car ha soo saarto warqad uu Madaxweynahu cid ku siiyey, dhulka gurigiisa Koonfurta ka xigana isagaa haysta oo hada waa isla shacabkii uun oo aan ka ahayn sharciyad yar oo uu dawladda hoose ka haysto, dhulka shacabka na dawladda hoose sharciyaddiisa ma bixiso oo Shacabku haddii ay bixin tahay iyo haddii ay iibin tahay ba Madaxweynaha ayaa bixiya ama iibiya, markaa Madaxweynahii ka horreeyey ee Cigaal na cid muu siinin kii Riyaale na muu siinin, Siilaayo na muu siinin oo intaa uu dhulkaasi imika yahay buu been ku seestay oo sharci aan jirin oo been ah uu ku seestay, waxaan xasuustaa aniga oo daakhili ah in ninkii hore wasiirka arrimaha gudaha ahaa Cismaan Qaasim ayuu waraaqaha u keenay, anigaa u la hadlay deedna markaas baan ku idhi waar inaga sii daa, wax sharci ah oo uu u haystaana ma jirto, intaas qof uun baa bixiya oo dhulka ku yaala shacabka ama dawladdu way ku siisaa ama way kaa iibisaa, gurigii dawladduu iibsaday, cidna ma iibsato adeer guriga dawladda ayuu ka iibiyaa oo siddii abiib inta uu ku tabco oo uu wax ka dhiso ayuu dawladda ka iibiyaa, deedna dawladdu iyadaa iibisa , nina guri dawladdeed iskama iibiyo. Haddii intaas aan ku soo dhaafo ugu yaraan labaatan dacwaddood oo dhul ah wax ku saabsan oo aanan been ka sheegayn, ayaa Muuse Biixi Maxkamadda kaga socota oo uga furan oo dadku ku haystaan waana ninka dalka Madaxweynimada ka doonaya weeye. ".Ayuu yidhi Ismaaciil yare

Siyaasi Ismaaciil yare, waxa kale oo uu soo bandhigay isku day fashilmay oo Muuse Biixi ku doonaayey in uu ku soo maslaxdo balse uu ka diidey in uu u soo gacan galo, waxaana uu yidhi:-

"Ninkaa Mikrafoonka uu u soo dhiibtay waxa uu sheegay in Muuse uu aniga faylkayga hayo, waar waxa aanu ku lee nahay Muuse anaga faylkayaga ma hayo ee anagaa hayna faylkiisa oo xafladdii aanu WADDANI ku soo biiraynay Arbacadii baa la qabtay, deedna Khamiistii isaga oo gaadhiga lagu sido weli ba inankii waday aad garaneysaan oo uu yahay kaa yar ee aan adeerka u ahay ee Sagal Jet ee la yidhaahdo Cabdi Yusuuf Aar ayaa talefoon ii soo diray, deedna wuxu yidhi adeer waan ku dooneynaa, deedna waxa aan ku idhi adeer maxaad iga dooneysaa, markaas waxa uu yidhi adeer in aad WADDANI gashay waan ogahay oo kula gartay se arrin aan taa ahayn baan kaala hadlayaa adeer, waayahay baan ku idhi, deedna inta aan shakiyey baan taleefankii ku celiyey aniga oo suuqa jooga waxa aan ku idhi adeer miyey cid kula socotaa deedna wuxu yidhi maya oo cidna ila ma socoto deedna ciyaal baan sidoo aan dharkii u soo tolaayey ba markaa soo aan sidey waana arbacadii shantii galabnimo deedna waxa la ii keenay Muuse oo xagga dambe lagu sido markaa waxa aan lee yahay ina Gaafaadhigan leh faylkaaguu hayaa yoow Muuse ma anigaa faylkiisa haya mise isagaa haya oo markii arbacadii isaga oo gelaaya markay cid walba ii taag wayday la ii keenay oo walaalkay oo mujaahid ah oo la socda oo ah kii xabadda iskaga dhigaayey la socday uu yidhi naga fura albaabka waanu ku dooneynaa yee ee aan ku idhi ma furaayo kana wax hadal ahi naga ma dhaxeeyaan ee walaalkay yidhi waar naga fur anagaa ku wada dooneynee idin kama furaayo ayaan idhi kana kama furaayo, ka kale ee la socday na awoowgay buu ahaa waa raggii aan hore u qanciyey , markaa ma kaas baa aniga faylkayga haya, ma kaas baa aniga i odhan kara waa nin laga maarmay, la iga maarminee hada ba illaa maantuu ooyayaa Somaliland oo dhanna waa ay og tahay.".

Siyaasi Ismaaciil yare oo weli hadalkisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- "Waxaa saxaafaddeydan iigu xigi doonta oo kol haddii ay furan tay aan lee yahay soo daa ciddaad haysato iyo waxa aad dhiidho haysato ba ee agtaada joogta oo cid walba na ka soo hadashii anigu qof baqanaaya ma ahiyee, nin adiga ku garanaaya ayaan ahay e' oo ninkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sheegay baad tahay , weligaa mar baad dalkan xil ka qabatay xilkii na wixii uu ka qaadey waad garaneysaan, taariikhdu waa wax qoran Somaliland , Muuse mar buu wasiir arrimo guddeed uu noqdoo markii na wixii dhacay iyo wixii uu geystay ba waa la ogaa, berigii na Ina Cigaal waxa uu yidhi waan xasuustaayoo wuxu yidhi waxani waa mashruuc inta uu yaabay sida uu wax u waday ileyn waxa ay islahaayeen uun ku dul kacsado e' markii dambe na wuxu yidhi waa rafadkey rafaneysay, markaa waxa aan lee yahay taariikhdaadu way qoran tahay anigu dhagar iyo dhiigtoona maan galin, kitaab cad baanan marayaa oo wuxu i yidhi waa faqash, imika hadaan Muuse u tago waxa aan noqon lahaa Janeraalada ka ugu sareeya ee Mujaahidka ah kolka aad u tagi weydana wuxu dadka ku odhanayaa waa faqash, anigu na nin dhallinyaro ah oo da'diinan ah saxaafadeey ayaan ahaa oon askarnimo ugu soo adeegin Siyaad Barre markaas lama soo helaayo ismaaciil kaas buu wax yeeleeyey kan buu wax taray mooyaane.".

Ugu dambeyntii, Siyaasi Ismaaciil yare, waxa kale oo uu ku hanjabay in uu soo bandhigaayo arrimo khuseeya Muuse Biixi iyo waxyaabaha uu u kala yaqaano goballada Awdal, Selal, Sool, Sanaag iyo dadyow kale ba isaga oo carabka ku adkeeyey in Muuse yahay aafo u baahan in dalka laga badaadiyo.

"Waxa aan saxaafaddeyda dambe u sheegi doonaa Muusaha Madaxweynaha doonayaa waa kuma, Muuse muxuu ahaan jiray markii hore, muxuu ahaan jiray dawladdii Siyaad Barre taa waan sheegi doonaa oo qarin maayo weligayna waxba maan qarin oo Mujaahid buu ahaa laakiin Mujaahidnimadii muxuu ka dambeysiiyey , wuxu ka dambeysiiyey qudhmisnimo oo qudhmis buu noqday, Muuse muxuu u yaqaanaa koonfurta bari ee Sanaag, saxaafaddeyda dambe waan ku sheegi doonaa. Muuse muxuu u yaqaanaa gobalka Laascaanood, Muuse muxuu u yaqaanaa gobalka Awdal iyo gobalka Selal, waxa kale oon saxaafadda u sheegayaa intii halganka laga soo noqday dee dhallinyaro badan oon dhalan baan garaneyn wuxu ahaa Muuse waana nin Murashax ah markaa waa in dadka loo sheegaa waxa uu yahay, imika oo u dambeysa na waxa uu ahaa nin kii yidhi anigaa ridey suldaankii Subeer Awal oo ku kale ayaan saartay markaa Muuse waa aafo dadkan iyo dalkan ba inaga laga qabto loo baahan yahay.”. Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil yare


http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=207217
 
Last edited:

Bohol

VIP
Some of the facts spitted by Ismail Yare

1. He is occupying land behind hotel Guleed and also in the Buurta Kala Jeexan area and also involved in numerous other land disputes as
a result there is 20 court cases pending against him.

2. He was involved in the attempt to dethrone the West Hargeisa - Gabiley suldaan and instill a new one.
 
Last edited:

Bohol

VIP
Some of the other facts.


1. Muuse Cabdi Dameer never worked in his life yet he has dozens of stolen plots in west Hargeisa.


Former Somaliland interior minister

Aniga Awoowgey Waxa La Odhan jirey, Cismaan Qaate, Muusena Aabihi Waxa La Odhan Jirey , Ina Cabdi Dameer.
"Waligii Muu Shaqeyn Oo Bilaa Camal Ayuu aha Maantana Konton Balloodh ayuu Leeyey, Sullaanki Subeer Awal Ayuu
Suldaan Kale Ka Dulsameeyey, Hargeisa Markuu Soo Haley Isaga Oo Cumaamad Yar Oo Cas Madaxa Ku Xidhan Aniga
Ayaa Dhulkii Ugu Horreeyay Dajiyey , Magaciisu Waa Muuse Biixi Cabdi........?kkkkkkkkkkkkkk.
Ex Wasiirki Hore Arrimaha Guddaha Ismaacil Yare

 
Last edited:
Status
Not open for further replies.

Trending

Top