Bosaso Developments

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xariga ka jaray Wadada Laamiga Jidka 30-ka ee galbeedka magaalada Boosaaso taasoo dhan 1.5KM waxaana uu sidoo kale dhagax dhigay 2KM oo ah dhameystirka Wadadan.

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Long over-due. Bosaso Stadium

327046012_923482602184886_7139104223552375764_n.jpg


327288085_536750665080050_5700324813225503708_n.jpg



 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
MADAXWEYNAHA OO DHAGAX-DHIGAY DHISMAHA GAROONKA KUBADDA CAGTA EE BOOSAASO.
Boosaaso: 25, January, 2023. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo, kaasi oo loo dhisidoono, si casri ah oo la jaanqaadaya garoomada Cagaaran ee caalamiga ah.

Dhismaha Garoonka Cagaaran ee Kubadda cagta Boosaaso oo ay kharashka dhismihiisa ka taageerayso Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la dhammaystiray qiimaynta dhismaha Garoonka, isagoo ka koobnaandoona laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah.

Qaybta koowaad:
1. Dhismaha Qaybta taarabuunka oo qaadidoona 3,000 oo qof
2. Qaybta VIP-da oo qaadda 100 qof
3. labo qol oo hool ah oo dhar bedelesho ah oo wata musquluhii ciyaartoyda
4. Dhismaha qaybta GYM-ka oo ay ku jimicsandoonaan Ciyaartoyda.
5. Banaynta iyo diyaarinta Qaybta Baarkinka gawaarida.

Qaybta Koowaad
Dhismaha Garoonka Cagaaran ee dhigidda Roogga, kaasi oo ka koobnaandoona qaybaha kala ah.
1. Dhismaha Garoon Cagaaran oo cabir ka la dhisayo -noqondoono (105 meter x 68 meter)
2. Nalaynta dhismaha Garoonka oo suurta gelinaaya in habeen iyo maalinba lagu ciyaaro
3. Goobta Bedelka ciyaartoyda iyo macalimiinta
4. Qaybta Gargaarka deg-degga ah iyo saxaafadda.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
 

Manzana

𐒖 π’šπ’’π’˜π’‚π’—π’† 𐒖𐒒𐒆 π’ˆπ’‚π’‡π’™π’’π’Œ π’π’šπ’’π’‚. PIM.

Trending

Latest posts

Top