Somaliland waa soo Xarootey heshiish ka dhicdoona Djibouti dhawaan Hassan Sheikh iyo abdikarim Guuleed ayaa koonfur ku matalaya

JABUUTI (QUDUS TV)
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay ogaatay QUDUS TV.
Shirkan ayaa waxa uu kusoo beegamaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha Somaliland, kaasi oo ah shaqsi aysan xasaasiyad ka qabin Somaliland.
Cabdikariin Guuleed oo ah shaqsiga uu madaxweyne Xasan u magacaabay arrimaha wada-hadalada Somaliland, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka Muuse Biixi, taasi oo wadada u xaareysa in labada dhinac ay markale iskugu imaadan miiska wada-hadalka, si loo sii ambaqaado wada-hadallada oo sanado hakad ku jiray.
WARIYE: Elmi Ali Warsame
View attachment 265036
View attachment 265037