XOG: Villa Somalia oo ka hortagtay ololaha M/weyne Deni ee Baydhabo & qorshihiisa Kismaayo.
July 2, 2021 Xuseen 4
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guud ahaanba waxa uu baaqsaday safar cirka ah oo uu ugu ambabixi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lafilayey inay gaaraan magaalada Baydhabo, waxaase soo baxaya warar sheegaya in safarkaasi uu ka horyimid maamulka Koonfur Galbeed oo xiriir dhow laleh madaxtootada Soomaaliya.
Xog hoose oo aanu helnay ayaa sheegaysa in hoggaanka Koonfur Galbeed u sheegeen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inaysan xilligaan casumaad u samayn karin, isla markaana uusan ka degi karin magaalada Baydhabo, tallaabadaan oo ay dabada ka riixayaan saraakiil katirsan Villa Somalia.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaas kadib waxa uu gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland, waxaana safarkiisa ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoona uu kulamo la qaadan doono qaybaha bulshada iyo madaxda maamulka Jubbaland.