Update:
Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab uu saaka dagaal culus ku qaaday deegaankaasi.
Xoogaga Shabaab ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Ciidamada Militariga oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo deegaanada ka baxsan laga maqlayo daryanka sawaxanka ee hubka laβisku adeegsanayo dagaalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalka ka soo gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah, inkastoo aan la ogayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, bacdamaa uu weli dagaalku socdo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ay u suurtagashay inay dagaalka ka cararaan ayaa sheegay inay arkayn Shabaabkii weerarka soo qaaday oo watay gaadiidka dagaalka.
Barraha afka Shabaabka ku hadla ayaa lagu sheegay in mintidiinta ay cagta mariyeen saldhig militari oo halkaasi ku yaala, isla-markaana ay la wareegeen gacan ku haynta Bacaadweyn.
Shabaabku waxay sheegteen in dagaalka ay ku qabsadeen shan ka mida gaadiidka dagaalka, kuwaa oo isugu jira sida ay sheegeen laba zuug, laba Cabdi Bille oo qoriga dhashiikaha uu saaran yahay iyo gaari kale oo qoriga B10-ka uu ku rakiban yahay.
Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab, waxaana aad ciriiri u ah isgaarsiinta deegaankaasi.
Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka culus, ee Shabaabku ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn, inkastoo ay soo baxayan warar sheegaya in Galmudug ay gurmad u dirtay halkaasi.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa billihii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada, ay ka gaysanayan Bacaadweyn iyo deegaanada kale ee ku xeeran