1'
Safiirka Mareykanka ee Kenya: “Muqdisho ayaan tagay, kuna cadaadiyey Farmaajo inuu ka laabto kiiska badda”
October 22, 2019
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya.
Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.
“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter.
“Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka.
Kyle McCarter ayaa sheegay inuu Farmaajo iyo Uhuru u sheegay in caqabadda ugu weyn ee labada dal haysata ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale yiri “Madaxweyne Kenyatta waxa uu sameynayaa wax kasta oo uu awoodo, waana si wadi doonnaa dadaalladeena, si arrintan loo xaliyo.”
Safiirka Mareykanka ma sheegin in madaxweyne Farmaajo aqbalay codsigiisa ah in kiiska lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda iyo in kale, hase yeeshee arrintan waxay muujineysaa inay wax ka jiri karaan walaacyadii la qabay.
Xeerarka Maxkamadda ICJ ayaa dhigaya in kiisna aan dib loo dhigi karin haddii aysan labada dhinac isla ogolaan, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay ka jawaabto sababta kiiska dib loogu dhigay laba goor haddii aysan ogolaan.
Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma aysan shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey.
Dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ayaa inta badan ah aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya, ayaga oo inta badan isku halleeyaa ilo-wareedyada dibedda ah, oo markii ay shaaciyaan arrimaha ay qarineyo dowladda Soomaaliya, ay kadib dowladda banaanka timaado
-------------------------------------------------------------
On that same day when the ICJ case was postponed Farmaajo staged an photo-op with the national monuments to preoccupy the Somali mass, the same tactic he used in Qalbi-Dhafax fiasco.
Walahi I have a feeling we are gonna lose the case and ocean to Kenya because of farmaajo incompetence and it's political greed for Kismaayo agreement with Kenya
Last edited: