Calaamad lagu yaqaano Munaafiqiinta ,.#
Mudo Badan oo Balanqaadyo Kala duwan loo Sameynayay Shacabka Galmudug isla Markana la Galinayay Rajooyin been abuur ah waxaa Maanta soo Shaac Baxday in Balmihii horay loo qaaday ay noqdeen Kuwo ahaa (Qawda Maqashii waxna ha u Qaban)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaliya Mudane Farmaajo iyo Hogaamiyaha Talada ay ku Adag tahay Xaaf waxay Balan qaad u Sameeyeeen Shacabka Galmudug , Balanqaadka ayaa ahaa in la dhisayo Daklada Hobyo
Wafuud uu Horkacayay Madaxweyne Faramaajo iyo Xaaf aya Tagay Hobyo si ay u soo Dhagax DHigaan Dakaada Hobyo oo mashruuceeda lagu dhawaqay Xiligaaasi in sida ugu DHqsiyaha Badna loo dhisi Doono Balse Kadib Maxa dhacay:´
Wafuudyo ka kala Socday Tukriga Qatar ,Shiinaha iyo Dowlada kale aya isaga kala Danbeyay Hobyo waxayna eegayeen Qabka Dakad Loo Dhisi doono , rajada xiligaasi way fiicnahayd , Wxaana dowlada ay u xil saartay Arintaasi gudi kor kala Soconaya bilowga dhismaha dakada Hobyo .
Kadib maxa Dhacay ?
inkastoo rajada ay ahayd mid wanagsan Hadana Dad badan aya qabay in ay tahay Been lagu qancinayo Shacabka Galmudug oo DOwlada dhexe ka sugayay in ay soo Gaarsiiyo Mashariicda Dalka, mudo kadib waxa soo ifbaxday Warar shegaya in Mashruucii iyo Dowladiii dhisi lahayd Dakada Hobyo lo weeciyay dhanka Dakada Garacad ee Gobalka mudug Arintaasi waxay buuq ka dhax Abuurtay Dowlada Dhexe iyo Galmudug waxayna Sababtay in Arintaasi ay sameyn wayn ay ku yeelato Shacabka Galmudug
Maxa isku soo Beegay labada Dhismood ee Dakadaha Garacad iyo hobyo
in Gobalka Mudug labo dakadood ay yeelato Wa horumar aad u fiican Blse marka dhinac kale laga eego waxay muujinaysa Siyaad ahaan in loolan xaga siyasada ah uu jiro hadii dakada hobyo ay dhisantana ay keeni karto in dhaqalaha puntland uu hoos u dhaco
tusaale ahaan ; dakada boosaaso waxa ganacsi kala soo daga ganacsato inta badan ka soo jeeda gobalada mudug iyo Galgaduud raashinka laga soo dajiyo Boosaaso boqolkoo 25% cashuur ahaan waa labo jibaar dhaqalahaas waa mid meesha ka bixi dona hadii dakada hobyo la dhiso
is horistaag Siyaasadaysan aya lagu sameyay Dakada Hobyo
in qaab siyasadeed oo hufan la isticmaalay waa cadaymaha kaliya la helay taa oo muujinaysa in shirkadihii dhisi laha dakada hobyo loo weciyay dhanka puntland , siyaadasi oo ay tahay dadka wali wax ay rajo wanagsan ka qabeen balanqaadkii farmaajo iyo xaaf
waxa soo shaac baxay in puntland ay dhaqaalo ku bixisay in la joojiyo dhismaha dakada hobyo iyadoo la adeegsanayo qaab dhaqmeed laga soo shaqeeyay loona marayo habka qabaailada iyadoo la adeegsanayo lacago aad u farabadan , dowlada dhexe aya la saray cadaadis ah in arinta dakada hobyo dib loo dhigo lagana hor mariyo dhismaha dakada garcad.
Xaalka inte ku danbeyay
isku dhaca siyaasadeysam ee Dowlada dhexe iiyo galmudug waa uu soo shaac bixiyay in ay jirin dowlad dhexe oo u maqan dhismaha dakada hobyo , madaxweynihii galmudug ee balan qaaday arintan isagu inoo hadlo iska daye siyasada aya ku ciirsan
arinta dakada Hobyo dhismaheda waxay u egtahay in Meesha ay ka baxday mar hadii la bilaabay Dhismaha Dakada garacad oo dhawaan lagu dhawaaqay dowlada dhexe iyo xaaf aya la waydiinaya mashruucii hobyo laga dhagax dhigay halka uu ku danbeyay mashruuca garacadna waxa soo dadajiyay .
Maxa la Gudboon shacabka Degaanadaasi daga
Sida muuqata ma jirto dowlada dhexe oo ka dhabeynaysa Balan qaadkiii la sameyay ee aha in la dhisayo dakada Hobyo sida awgeed shacabka degankaasi waxa la gudboon in ay isku tashtaan oo ay ku fakaraan sidii ay iyagu wax u qabsan lahayen inta ay wax ka sugayan dowlada dhexe iyo Hogaanka jaah wareersan ee Galmudug
in la dhiso dakad ma aha wax sahlan blse waxay u baahantahay dadaal badan iyo dad ay ka go,antahay in ay qayb ka noqdan horumarka dalka isla markana ku haminaya in ay deganada kale kula loolamaan horumar iyo wax wada qabsi
@Abdalla our buddies from Interhamwe media