AL-SHABAAB OO GOOB FAGAARE AH KU TOOGTAY RAG AY KU TILMAAMEEN BASAASIIN
Ururka Al-shabaab, ayaa Gelinkii dambe ee Shalay, waxay fagaare ku yaalla Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku dileen, afar nin oo ay ku tilmaameen basaasiin.
Maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo, ayaa sheegtay in Raggaas ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalal Shisheeye, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah.
Aaden Xassan Maxamed iyo Cabdicasiis Xassan Cabdi, ayay Maxkamadda Al-shabaab ku eedaysay in ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay u gudbin jireen xogaha Al-shabaabka.
Sidoo kale, Diini Cabdulqaadir Maxamed ayay ku eedaysay, in uu basaas u ahaa Dowladda Maraykanka, halka Ciise Cismaan Geelle ay ku eedaysay, in uu la shaqaynayay Sirdoonka Itoobiya.
PUNTLAND POST