Dagaal ka dhacay degaan hoostega degmada Balanbale.
Posted by SBC Editor on December 10, 20210 Comments
Dagaal geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan hoostega degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud..
Dagaalkaan waxaa uu si gaar ah uga dhacay degaanka lagu magacaabo kaxan-dhaale oo hoostega degmada Balanbale ee Galgaduud, waxaana maleeshiyaadka hubeysan ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay 6 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhacay, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, iyadoona dhaawacyada la gaarsiiyay Isbitaalo ku yaalla degmooyinka Balanbale iyo Guriceel.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed uu salka ku haayo arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo horey uga dhacay Galgaduud, waxaana goobihii lagu dagaalamay weli isku hor-fadhiya dhinacyada.