Sawirro Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda ICAO oo kala saxiixday heshiis Lagu Soo Wareejinayao Maamul

Status
Not open for further replies.

Agent 47

21st Divsion of Somali National Army
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo ay ka mid yihiin Maareeyaha guud ee hay’ada duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf jaalle) iyo ku xigeenkaiisa Axmed Macalin Xasan ayaa gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada halkaasi oo xarun u ah Ha’yadda duulimaadyada Rayidka Adduunka ee QM oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaaqo ICAO.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda ICAO haweenayda lagu magacaabo Drs Fang Lie iyo saraakiil sare oo ka socday hay’ada ICAO,waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya iyo sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xog-hayaha Guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u waramay Wariyaheena Dalka Canada Muxiidiin Jaamac Waxuuna sharaxaad ka bixiyay kulanka ay la qaateen Hay’adda.

“Kulanka aan la yeelanay madaxda Hay’adda ICAO wuxuu ku saabsanaa sidii maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho,in si dhaqsi ah arrintaasi ay u dhacdo, ayaan ka wada hadalnay,waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in Hay’adda FISS oo hadda Nairobi ku maamusho hawada Soomaaliya ay ugu soo wareejin lahayd Muqdisho”, Ayuu yiri Maxamed C/llaaahi Salaad.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad iyo Agaasimaha Xafiiska Farsamada iyo Iskaashiga ee Hay’addaasi ICAO Ivan Galan ayaa si toos ah u kala saxiixday haeshiiskaasi, iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Muqdisho laga maamulo hawadda Soomaaliya Muddo kadib.

6-7-640x426.jpg
5-6-640x426.jpg
4-4-640x427.jpg

:qri8gs7::rejoice:
 

Agent 47

21st Divsion of Somali National Army
Great news but f*ck Farmaajo still

:damedamn:
I don't blame him for handing over Qalbidhagax but for going silent about it, someone has to be held accountable or everyone would be held accountable. Ilahey hanaga qabto kuwii ka shaqeynaya burburka dalkeena ilaheyna haano badsho kuwa dalkeena daacada u ah. Hell, to traitors!
 

Bahal

ʜᴀᴄᴋᴇᴅ ᴍᴇᴍʙᴇʀ
VIP
I don't blame him for handing over Qalbidhagax but for going silent about it, someone has to be held accountable or everyone would be held accountable. Ilahey hanaga qabto kuwii ka shaqeynaya burburka dalkeena ilaheyna haano badsho kuwa dalkeena daacada u ah. Hell, to traitors!

I no longer trust the man.


giphy.gif
 
Status
Not open for further replies.
Top