@Libaax-Joore
Qardho: 08 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta kormeeray goobta loogu talagalay in ay noqoto suuqa weyn ee magaalada Qardho si looga baaqdsado Biyaha inta badan kusoo dhaca halkii uu aha suuqii hore.
Madaxweynaha ayaa Sidoo kale kormeeray goobaha ay maraan Biyaha xiliga roobaadka kusoo rogmada magaalada, isagoo warbixin ka dhegaystay Maamulka Degmada iyo Injineerada gacanta ku haya qorshaha looga leexinayo Biyaha magaalada .
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
New Market zone away from flooding prone areas