Puntland Regional Roads, Highways & Bridges Thread

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
@Thegoodshepherd I hope Garacad learns from Bosaso lack of town plan. Pls zone 'residential' areas into 'wealthy, middle, poor' it's not fair your house built with quality gets burned down next to a low quality build home. Every residential zone it's up to them to invest into their neighborhood in order to grow it's house value.

They should also create a market or 'central business district' zone for the 'market place' and not allow it inside residential areas. Even zone out 'industrial' zone for factories in the future. I hope Garacad has '4 zones' in the future to grow from. Residential-Market-Industrial-Public zone for schools n hospitals and govt facilities only.

And please level the land and make it smooth and ready for a road in the future, no rocks allowed, those rocks are going to hurt the town plan.
 
Last edited:

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxaa soo gabo gaboobay Wajiga koobaad ee dhismaha Wadada Bursaalax- Gaalkacyo.
26-km oo ka soo bilaabatay Bursaalax kuna dhamaatay Bayra.,ayaa hirgalay.

Dhismaha Wadadan,waxaa fulinaysay Hay’adda Wadooyinka Puntland oo kaashanaysa Bushada Deegaanka.

Agaasime Cabdifitaax Sugulle waa ku amaanan yahay dadaalka uu geliyay Wadadan dhismaheeda.

Bursaalax waa mid ka mid ah Degmooyinka Puntland ee horay utalaabsaday.
Jibril Qoobey.

327883700_1309259903188513_8717743253064055435_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Shirkadda Kebarco ayaa markale gudaha magaalada Gaalkacyo ka dhisaysay laamiyo asphalt ah , iyadoo hadda gacanta ku hayso Jiira Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah waddooyinka ay dowladda hoose u qorsheysay in sannadkan la saaro laami , taasoo qeyb ka ah mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG-ga.

Kebarco oo ah shirkad waddaniya ayaa horay magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee Puntland uga hirgalisay laamiyo tayo wanaagsan leh , kuwaasi oo ka qayb qaatay bilicda iyo isu-socodka gaadiidka ee degmooyinka.


331496777_545860067354531_5472110270975920382_n.jpg


331748164_1093630312029540_3697771298759904555_n.jpg


331292726_955690375589825_5065837899283577066_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Dowladda Puntland ayaa dayac-tir ku bilowday jidka Laamiga ah inta u dhexaysa Kantaroolka bari ee Garoowe iyo degaanka Barda-dawaco halkaas oo qayb ahaan uu Laamiga ka burburay.
Taliyaha Taraafikada Puntland G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan) oo dhawaan dowladda ka codsaday in dayac-tir lagu sameeyo halkaas ayaa maanta booqday goobta shaqadaas laga bilaabay.

Taliyaha ayaa dowladda uga mahadceliyay sida ay uga hawlgashay dayac-tirka jidadka gaar ahaanna qaybta hadda dayac-tirka lagu bilaabay waxaana uu gaadiidleyda u diray digniin la xiriirta in ay taxaddar ka muujiyaan qaybaha shaqadu ka socota islamarkaana xawaaraha yareeyaan.

335876745_180855291407732_3584744154030932555_n.jpg
 

Manzana

𐒖 π’šπ’’π’˜π’‚π’—π’† 𐒖𐒒𐒆 π’ˆπ’‚π’‡π’™π’’π’Œ π’π’šπ’’π’‚. PIM.

Trending

Latest posts

Top