Mohamud Nadif Shire
Ma jirtaa BOSASO in maanta la isku qabsadey gudoominta saddex shir oo ka dhacay?
Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka qabsoomay 3 shir oo sida laga dheehan karo warbaahinta mid kasta uu lahaa Ajande gaar ah oo qeyb ka ah shaqa maalmeedka dowlada Puntland ee magaalada Bosaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.
1: sidii caadiga ahayd waxaa maanta xarunta Gobolka Bari ka dhacay shirkii todobaad laha ahaa ee Amniga, waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka bari Cabdisamed Abwaan.
Halkaan ka akhriso
	
	
	
		
		
		
		
	
	
https://www.facebook.com/115585813219758/posts/625690658875935/
2: Taliska qaybta gobolka Bari dhankiisa waxaa isaga ka qabsoomay shirka todobaadlaha ah ee Amniga, kaas oo ay kasoo qayb-galeen saraakiisha ciidamada ee xaafadaha, Taliska, Saldhigyada iyo dhamaan saraakiisha Amniga gobolka si laysaga waraysto xaaladihii ugu danbeeyay iyo talaabooyinka la qaadayo, waxaana qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka bari.
Halkaan ka akhriso
	
	
	
		
		
		
		
	
	
https://www.facebook.com/106760661835915/posts/113567767821871/
3: Maadaama xaalada boosaaso maalmahan ay ka jirtay xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii agaasinka PSF, waxaa iyagana shir gaar ah isugu yimi golaha wasiirada Puntland oo dhawr iyo toban xubnood ka joogaan magaalada Boosaaso, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka, xildhibaano, Agaasimayaasha Hay'ada PSF, PIA, PMPF iyo masuuliyiin kale.
Halkaan ka akhriso
	
	
	
		
		
		
		
	
	
https://www.facebook.com/400185670794783/posts/1095794667900543/
Mareeg kasta oo warfaafineed waxay baahisay shaqada xafiiskeeda, waxaana ka muuqata sawirada shirarkii kala duwan oo maanta qabsoontay, taas oo muujinaysa inaysan jirin wararka sheegaya khilaaf ka jira ama ku salaysan shir gudoominta shirarkii kala duwanaa oo maanta ka qabsoomay BOSASO.
Waxaana saddexda shir lagu kala qabtay ama ka qabsoomay 3 goobood/xarumood oo magacyadoodu kala duwan yihiin.