Plane carrying military supplies from China landed in Mogadishu today.

Status
Not open for further replies.
https://www.jowhar.com/somali/diyaarad-hub-sida-oo-ka-degtay-garoonka-diyaaradaha-muqdisho.html5

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in diyaarad hub sida ay shalay oo jimco aheyd ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradan ayaa hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo rasaas, waxaana la sheegay in dowladda Shiinaha ay keentay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubkan, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in dhaqaalaha Hubkan lagu soo iibiyay ay bixisay dowladda Sacuudi Carabiya oo ahaa balan-qaad ay horay ugu sameysay dowladdii hore.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya.

Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas ugu siiyay Shiinaha.

Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo.

Soomaaliya ayaa saaran cunqabateyn hubka ah, waxaana sanadkii 2013 laga qafiifiyay cunaqabateynta, waxaa Soomaaliya loo ogolaaday inay soo iibsan karaan hubka yar yar iyo rasaasta.



Military supplies were bought by Saudi Arabia, questions remain on whether the Mogadishu armoury has enough space to store the weapons.

I could only find one source on this story so it seems fishy, and isn't an arms embargo in effect for Somalia?
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top