PL national exams starts on time

Status
Not open for further replies.

Hassan Garguute Buldanana

AUG 25, 2023
VIP
Ardayda oo ka kooban fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiyada sare degaannada Puntland ayaa saaka wakhti isku mid ah u fariistay imtixaanka guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland.

wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Maxamed Xassan oo ka warbixiyay imtixaanka ayaa sheegay in ardayda imtixaanka gelaysa ay ka koobantahay 15,892 arday oo isgu jira 10,887 arday oo dugsi dhexe ah iyo 5005 arday oo dugsiga sare ah.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe ka furay imtixaanka ayaa wasaaradda Waxbarashada Puntland uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay in ardayda Puntland ay helaan imtixaan nidaamsan oo horumarsan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ardayda ku baraarujiyay in imtixaanka laga qaadayo ay u arkaan mid wasaaraddu ku qiimaynayso heerka tacliinta iyo aqoontoodu marayso balse aysan u arag culays iyaga la saarayo isagoo ku boorriyay in ay dadaal ku bixiyaan sidii ay u guulaysan lahaayeen.

“Imtixaanku in la is dhibayo maaha imtixaanku waa qiimayn Waa hubin iyo qiimayn heerka tacliinta ardadeenu marayso waxaan rajaynaynaa qiimayn wanaagsan in ay ka soo baxdo” ayuu yiri madaxweyne deni.

Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay habka nidaamsan ee imtixaanka shahaadiga Puntland uu tusaale lagu daydo u noqon doono dhammaan geyiga Soomaalidu degto isagoo xusay in khibradda iyo waaya-ragnimada dheer ee Puntland u leedahay qaadista imtixaanaadka ay uga faa’idayn doonaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

 

Hassan Garguute Buldanana

AUG 25, 2023
VIP
Meanwhile the cuqdaad ridden ED minister is still talking about PL after the epic failure. People were buying the southie national exams at suuqa bakaraha. Why hasnt this nigga got fired? Zero accountability.

This is what he said

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta habaaray dowladda Puntland kadib markii saaka degaannada Puntland looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee lagu qaado gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.

Wasiir Goodax oo maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulayaal, macallimiin iyo qaar kamid ah ardaydii u fariistay imtixaankii fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in imtixaankii Puntland ee saaka loo fariistay uu isna fashilmay sidaasi darteedna aysan la yaabin kii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan fashilmay.

“Imtixaan waa fashilmaa, saacaddan la joogo Puntland imtixaan ay qaadaysay waa fashilmay, wadamada deriska ah waa ka fashilmaa, adduunkuu ka fashilmaa, laakiin inta aan fashil la’aanta u dhowaanay fiiriya. 104 goobood oo imtixaan lagu qaadayay, in hal keliya waxay ka yartahay 1% (boqolkiiba hal)”ayuu yiri Goodax oo kulankaasi ka hadlayay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli saaka uu degaannada Puntland wakhti isku mid ah ka bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallad 4aad ee dugsiyada sare, islamarkaana si jawi deggan ah lagu galay maaddooyinka u horreeyay intixaankaasi oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee gudaha Soomaaliya lagu qaaday tan iyo burburkii dalka.

Sidoo kale imtixaanka Puntland ee saaka waxaa u fariistay tiradii ugu badneyd ee imtixaan u fariisata degaannada Puntland, tiradaasi oo gaaraysa 15,892 arday.

Wasiir Goodax ayaa hore gef iyo aflagaaddo ugu geystay ardayda iyo waalidiinta Puntland isagoo liiday intixaanka ay qaaddo dowladda Puntland balse maalmo kadib ayaa isagu ku fashilmay imtixaankii magaalada Xamar iyo gobollada Koonfurta iyo bartahama Soomaaliya kadib markii uu warbaahinta la soo istaagay in laga xaday imtixaankii oo aan waxba gacanta ugu jirin.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top