Maxamed Cabdi Yusuf oo ah lataliyaha Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay qaar kamida odoyaasha iyo ganacsatada beesha Murusade oo dhawaan la kulmay in dalkaan sida kaliya oo lagu badbaadin karaa ay tahay in laga qabto beesha Maxamuud Saleemaan oo mas’uulka ka ahayd burburka iyo dowlad la’aantii ay Soomaaliya soo martay.
Maxamed Cabdi Yusuf oo ka soo jeedo beesha Awrtable oo kamida beelaha Daarood ayaa ka sheegtay beesha Maxamuud Saleemaan. Waxa uuna ku eedeeyay in beeshaas ay ahayd beshii la dagaashay waxa uu ku tilmaamay “Kacaankii Barakaysnaa” ee ku guulaystay midnimda umadda Soomaaliyeed.
“ … Walaalayaal hogaankii dalka beeshiina (Murusade) ayaa haysa, Madaxweyne Farmaajana- wuu idiin hiiliyay oo jagadii labaad ee dalka ayuu idin siiyay, waxaa la idinka rabaa inaad u hiilisaan qaranka oo aad ka hortagnaan Beesha Maxamuud Saleeman iyo , hade waad garanaysaan beesha ay is xulufaystaan ee Muqadisho degto, aniga ma doonayo in aad afka hada ku dhufto” ayuu yiri Maxamed Cabdi Yusuf.
Xubnihii ka joogay goobta Beesha Murusade ayaa mar wada qoslay, iyaga oo muujinayay in ay fahameen sarbeebtiisa taas oo uu ula jeeday in “beesha Abgaal” oo xiriir hore kala dhaxeeyn jiray beesha Majeerteen.
Ma aha kaliya in Maxamed Cabdi Yusuf uu aflagaadeeyay labada beelood ee Majeerteen iyo Abgaal, laakiin waxa uu Beesha Maxamuud Saleemaan ku eedeeyay in ay xoog ku haystaan dhulka Puntland, dhaqaalihii iyo awoodii Puntland ay beeshaan kaliya ku tagri fasho.
“ waxaan idiin sheegayaa , Beesha Maxamuud Saleemaan waa aboor, sow ma garanaysaan aboor meesha ay galaana way baab’iyaan, waxa la idinka doonayaa in aad ku taageertaan Madaxeyne Farmaajo in uu soo afjaro kooxdaas si dalkaan uu horay ugu socdo… waxa aadna ugu abaal gudi kartaan idinka oo kala shaqeeya sidii Maxamuud Saleemaan iyo kooxaha ay ku adeegtaan looga saari lahaa siyaasada dalka” ayuu u sheegay ganacsatadii iyo odyaashii Murusade ee uu kulan la qaatay Maxamed Cabdi Yusuf.
Waxa uu ku daray ““.. Waxaa aniga iyo Farmaajo naga go’an in dalkaan laga qabto beesha Maxamuud Saleeman iyo kooxaha xulufada kula ah burburinta qaranimada iyo midnimada Soomaalia”.
Maxamed Cabdi Yusuf ayaa mushaar iyo gunooyin joogta ah laga siiyaa Xafiisyada Farmaajo iyo Xasan Kheyre. Waxaa sidoo kale Farmaajo uu horay u siiyay lacag ka badan $80,000 oo uu ku bixiyay qaliin iyo daawayn isaga lagu sameeyay.
Dhanka kale waxaa horay qandaraasyo loo siiyaya wiilkiisa Yusuf Islam oo dhismooyin ka
wada degamada Cabduwaaq iyo Garoonka kubadda Cagta ee Muqadisho Staduim. Waxaa kaloo uu qandaraas ku haystaa in uu qalabka xafiisyada ee dowlada isaga uu soo iibiyo.
Maxamed Cabdi Yusuf ayaa inta badan waxaa loo soo dhiibaa fakarka uu qabo Farmaajo isla markaan la doonayo in warbaahinta lagu faafiyo. Farmaajo ayaa in mudo ah dagaal ku hayay Beesha Majeerteen gaar ahana beesha Maxamuud Saleemaan isaga oo uga baqayo in ay kala wareegaan xukunka dalka ama ay abuuraan jawi kursiga uu isaga kuwaayo.