• This website is being upgraded. Theme is temporary.

Muqdishooy

Maantana nal baa damay
Nuur soo baxaayiyo
Ubad baa naf laga jaray

Cadaw aan naxayn iyo
Nacab baa aroor helay
Noloshiinna dhaafiyay

Xamareey nasiib kaa
Kugu raagtay nabadduye
Nabsi-maalka waad heli.

Kaaba Axmed Caydiid

Xamareey dadkaagii
Qarax baa xasuuqee
Xillimaad ammaan heli?

Muqdishooy xulkaagii
Cadaw baa xabaalee
Goormaad xalkeed heli?
By: Kaaba axmed caydiid
 

Trending

Top