TALIYAHA CIIDAMADA MILLATERIGA TURKIGA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO MUQDISHO YIMID
Muqdisho (PP) ─ Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo dagay saakay Taliyaha guud ee Millateriga dalka Turkiga, Hulusi Akar iyo Wafdi uu hoggaaminayo.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, xubno ka tirsan safaaradda uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho iyo xubno kale.
Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Safaaradda uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo kulammo uu kula leeyahay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa ka qayb-geli doona munaasabadda xariga looga jarayo Xero Ciidan oo Turkiga uu ka dhisay duleedka Muqdisho, taasoo loogu talo-galay in lagu tababaro Ciidamada xoogga dalka.
Dhanka kale, Saldhigaan ayaa waxaa ku dhex-yaalla saddex dugsi oo nooca ciidamada lagu tababaro ah, taasoo ciidamada Somalia u saamixi doonta in ay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.
Amniga Guud ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana la xiray waddooyinka waa-weyn, kuwaasoo lagu arkayay ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.
Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa saaxiib dhow la’ah Somalia oo ay ka saacidan dhinacyo badan sida taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arrimaha Bulshada intaba.
PUNTLAND POST