Guddoomiyaha Hiiraan: Dowladda Itoobiya ayaa Calankeeda Ka Taagtay Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan
January 19, 2021
0 Less than a minute
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay dowladda Itoobiya ay qabsatay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaaliya, isaga oo ku ku eedeyay in ay ku soo xad gudubtay deegaanno ka tirsan gobalka Hiiraan, oo calan ka taagtay.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in 16 km ay gudaha xududka ay u soo gudubtay Itoobiya, iyadoo Calankeeda ka surtay deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan, waxa ayna soo qabtan askar si sharci daro ah ku soo gashay dalka oo Itoobiyaan ah.
βTuulada Abaalay 16-KM ayeey ku jirta gudaha Soomaaliya, calanka Itoobiyanaa ka taagan , Ma garan karno sababta looga taagay 16 kiilo mitir iyo bar ayey gudaha u soo gashay,.β guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Jeyte ayaa intaasi hadalkiisa ku sii daray βXuduudda Soomaaliya waala yaaqana, in badanna xishooneynay war hala xishoodo, ciidamada sida sharci darada ah u soo galaya waddankana, dhulka aan masβuulka kanahayna soo galayana indhaha kama Qarsan doono haddii aysan naga xishoonβ .