Geography: Somalia has a Lake. | Juquraafi: Soomaaliya Haro ayay leedahay.

TikTok waxaan ka bartay waxyaabo badan oo aan ka aqoon dalkayga. Waxaan ka bartay qabiilo aan horay u maqal, magaalooyin iyo tuulooyin taariikh fac way leh, dad badan oo taariikhdeeda baalwayn kaga jira iwm. Maantana sida caadada ahayd wax kale ayaan bartay. Waxaan maqli jiray Soomaaliya ma laha meel weyn oo ay biyo fadhiistaan. Laakiin, sida ku xusan muuqaalkan, Gobolka Gedo📍 oo ku yaala koonfurta Soomaaliya waxaa ku yaala haro weyn oo lagu magacaabo Funnujo 📍. Haraha Funnujo waxay ku taalaa meel la dhaho Tuula Barwaaqo📍. Harahan waxaa ka faa’iidaysta beeralay iyo xoolo dhaqato.Waxsoosaarkeedana waxaa la geeya dhammaan gobolada kale.

Hadii aad si fiican u taqaano Funnujo iyo meelo kale oo la mid ah nala wadaag.

Fiiri
Waa kan muuqaalka. Waxaa soo dhigay Tikok adeegsade mr_boy789. Aniga iyo Adeegsadahan wax xidhiidh ah ma lihin. TikTok ayaa si iskeed ah iigu keentay muuqaalkaas. Muuqaalkan oo wata xog muhiim ah.

 

Trending

Latest posts

Top