FAROOLE OO KA DIGAY KHILAAF KA DHEX QARXA XUKUUMADDA IYO BAARLAMANKA PUNTLAND
Senetor Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta khudbad u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa ugu baaqay golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland in ay ka fogaadan khilaaf dhexdooda ah.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu ku boorriyay mudanayaasha dhalinyarada ah ee ku jira golaha wakiilada Puntland, in ay si fiican u bartaan Dastuurka dowladda Puntland iyo kan Soomaaliyaba, si ay dhabba hagaagsan ugu hoggaamiyaan dalka.
Mudane faroole ayaa dhanka kale caddeeyay, in Dastuurka Puntland uu si buuuxda u waafaqsanyahay Shareecadah Islaamka,islamarkaana aysan ku jirin wax ka hor-imaanaya Diinta iyo dhaqanka Suubban ee Soomaalida.
Senetorka oo ka jawaabayey hadal dhowaan ka soo yeeray odoyaal ku shiray magaalada Gaalkacyo oo ku dhawaaqay in ay Shareecada Islaamka qaateen, ayaa ka digay in loo gacan-haadiyo cid ka shaqeynaysa dhibaatada Puntland, iyadoo lagu gabbanayo Shareecada Islaamka.
Halkaan ka daawo khudbadda senetor Faroole