The Midlands
VIP
Look your Xawaadle politicians say Murusade is the number 1 fighter![]()
MAAMMUUS XAWAADLE.
Mustaf dhuxulow(Xildhibaan murusade federal)
> Gobonnimiyo xeerkeed
> Dhaqan iyo xisaabtiis
> Maanso iyo xeesheed
> Taariiq xusuusteed.
> Aniguna xilqaankay
> Guul baan xusaayaa.
> Jiiftadan xa'leydaa
> Maammuus Xawaadlaan
> Xushmad ugu tirinayaa.
> Xinjirquutayaashii
> Dadwaynaha xasuuqee
> Ka xabaalay ceeshee
> Xoolihii ka dhacay baad
> Xumahay falaayeen
> Ka xanuunsateenood
> Xarbi ugu bareerteen,
> Mahadsanid Xawaadloow.
> Nabad-doon xiddigahoo
> Xaq-u-dirir ahaayoo
> Xumaanta argaggixisada
> Ka xanaaqsanaayoo
> Xaraamiyaashii
> Xabbad kala hortagayoo
> Xarbigii karaamada
> Xilka dibu xorayntaa
> U xijaabtay shalayee
> Cilmi Xagar ahaa baan
> Geeridu xaq weeyee
> Xusuus lama-illaawaan
,> Xabadka ugu haynnaa.
> > > Mahadsanid Xawaadloow.
> Xarbiga argaggixisada
> Idinkaa xigaalooy
> Hawiyaha xaggiisiyo
> Soomaaliba xul ugu ahoo
> Sharaf baad xasiliseen,
> > > Mahadsanid Xawaadloow.
> Aniguna xaggaygii
> Gulufkaan u xaydnaa
> Guul baan xaqiijoo
> WABXAAN xawligii hore
> Ka xoreeyay cadawgii,
> Xamdigaas Alleyska leh.
> Illaa Xaruntii Ceelbuur
> Nacabka aan ka xaaqana
> Fardahayga xoogga leh
> Kama furayo xakamaha,
> Xaq-u-dirirku waa guul.