Villa Soomaaliya oo shaacisay in dabagal lagu hayo mas’uuliyiin dabaqyo dhistay
By Istar Cabdi Yuusuf
August 29, 2020
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay wado baaris iyo daba-gal lagu hayo mas’uuliyiin xilil ka haya dowladda federaalka oo musuq-maasuq lagu tumayo.
Cabdinuur ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta qaar oo uusan carab baabin in lagu tuhmayo inay lunsadeen hantida shacabka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dabaqyada ka taagan Muqdisho qaarkood ay dhisteen shaqsiyaad shaqo hoose ka hayo dowladda, balse dabagal lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrintaas an daba-gal lagu sameyn karin, haddii aan la helin xeerka saxaafadda ee dooda laga keenay.
“Dabaqyada Magaalada ka taagan qaarkood, waxaa maqcuul ah inuu dhistay qof shaqo hoose ka haaya dowladda ama ay wax ku leeyihiin Mas’uuliyiin hore, halka kuwo kalena lagu tuhmayo inay hantida shacbka ka dhisteen dhismooyinka dabaqyada, haddiin aan xeerka saxaafadda la helin dabagal laguma sameeyn karo” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay laba goor oo kala duwan ay maxkamadda gobolka Banaadir xukunno adag ay ka ridday shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu helay inay sameeyeen musuq-maasuq.