Farmaajo oo la yaabo inuu xilka iska casilo

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo laga yaabo inuu xilka iska casilo (Qorshe Culus oo socda)
June 12, 2020


https://www.facebook.com/sharer.php...inuu-xilka-iska-casilo-qorshe-culus-oo-socda/
https://twitter.com/intent/tweet?te...a-casilo-qorshe-culus-oo-socda/&via=goobjooge
https://www.somalispot.com/whatsapp...inuu-xilka-iska-casilo-qorshe-culus-oo-socda/
https://www.somalispot.com/viber://...inuu-xilka-iska-casilo-qorshe-culus-oo-socda/
https://goobjooge.net/xog-madaxweyn...xilka-iska-casilo-qorshe-culus-oo-socda/?amp#

https://www.linkedin.com/shareArtic...nuu+xilka+iska+casilo+(Qorshe+Culus+oo+socda)
https://reddit.com/submit?url=https...nuu+xilka+iska+casilo+(Qorshe+Culus+oo+socda)
https://telegram.me/share/url?url=h...nuu+xilka+iska+casilo+(Qorshe+Culus+oo+socda)
Waxaa soo shaac baxaya qorshe in muddo ah la karinayey oo u ku saabsan midpw cusub oo dhex maraya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo uu riixayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah Midowga Afrika, Midowga Yurub, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana ujeedku yahay in la helo qorshe ay dib hal Dal u noqon karaan Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland, waxaana madaxweyne noqonaya Madaxweyne ka socda Somalilnad (Muuse Biixi) iyo Ra’iisal Wasaare ka socda Koonfurta (Xasan Cali Kheyre).

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qorshahan bilaabay, kadib kulankii uu isugu keenay Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa hadda xilka ku wareejiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo lagu wado inay magaalada Jabuuti isugu tagaan toddobaadka socda wufuud kala duwan oo culus.

Waxaa magaalada Jabuuti tegi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi culus oo la socda, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka yihiin Dalal fara badan iyo Midowga Afrika.
Haddii qorshahan lagu guuleysto waxaa la filayaa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo oo bilo dhowr ah xilka uga haray, waxaana muddo ilaa 2 sano ah la dhisi doonaa xukuumad uu madaxweyne ka yahay Madaxweynaha Somaliland, Ra’iisal wasaarena uu ka yahay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo qorshahan si hoose ku socday muddo sanad ka badan, hadda wuxuu hadda soo gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana si toos u taageereysa dowladda Mareykanka.

 

Trending

Top