Break news - Xaarmaajo government accepted PL certificate and give apologies to President Deni

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
XOG: DOWLADDA SOOMAALIYA OO ARDAYDA PUNTLAND U OGOLAATAY SHAHAADADA HEER FEDERAAL

Ilo’ xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyadaPuntland, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmiya u ogolaatay bixinta Shahaadada Ardayda Reer Puntland.

Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto oo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Federaalka oo ka soo jeeda degaannada Puntland.

Sidoo kale, waxa dadaal kaas lamid ah sameeyay qaar kamid ah isimada ugu caansan Puntland, oo magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiina dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis ku saaray in mustaqbalka Ardayda Puntland aan loo xannibin arrimo siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo xalay khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Deni ayaa u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalku ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland, ayaa ka wada-hadlay arrimaha farsamo ee ka harsan dhammaystirka is-fahamka laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland.

PUNTLAND POST
 

Farm

VIP
Xaarmaajo felt the pressure, he should know by now that he isn’t the first FGS one bedroom ruler to test PL and fail.
 
Lol did they really think we would give in that easily? all they wanted was the people to rise against the gov but most are behind PL gov and the rest paid stooges would get jailed.

This is a big L to failmaajo his regime and his bots.
 

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
XILDHIBAANNO KA HADLAY XALKII LAGA GAARAY BIXINTA SHAHAADADA HEER FEDERAAL EE ARDAYDA PUNTLAND


Xubno ka tirsan Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa maanta ka hadlay sida loo dhammeeyay Khilaafkii ka taagnaa bixinta Shahaadaha heer Federaal ee Ardayda Puntland oo ay horay u siyaasadaysay Xukuumadda Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Ciise Maas oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ay Villa Somalia ku garowsatay in aan la siyaasadayn Mustaqbalka Ardayda islamarkaana shahaadada heer Federaal la siiyo Ardayda Puntland.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Maxamed Muuse ayaa isna soo jeediyay in aan la siyaasadeyn Waxbarashada Ardayda iyada oo dano gaar ah laga eeganayo waxaana uu dalbaday in aan gor-gortan la gelin Mustaqbalka Ardayda sida uu hadalka u dhigay.

Siciido Maxamed Xasan iyo Xaawo Yuusuf Axmed oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay sheegeen in doorkooda ay ka qaadanayaan sidii looga gudbi lahaa wax waliba oo kala fogeyn kara Dowladda Federaalka iyo Puntland.

PUNTLAND POST
 

FBIsomalia

True Puntlander
VIP

Those represent us thanks xarmaajoo for fixing godaax mistake loool. Do they think PL will forgive godaax they dreaming. Soon in March we will bring solution inshalla how to deal with N&N.
 

Trending

Latest posts

Top