Ahlu-Sunna oo ku dhowaaqday in uu bur-buray heshiiskii DF kuna baaqday is-difaac
Dhuusomareeb (Caasimada Online) –Ururka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa goordhow magaalada Dhuusomareeb uga dhowaaqay inuu buray heshiiskii u dhaxeeyey ayaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ahlu-Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay mas’uul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii labada dhinac, kadib markii ay ciidamo kusoo daabushay magaalooyinka Galmudug.
Sidoo kale Ahlu-Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay Dhuusamareeb kusoo daabuleyso saraakiil iyo ciidamo sida ay sheegeen Shabaab ah.
Dhanka kale Ahlu-Sunna ayaa sheegtay inay AMISOM ka xaqiijisay inaysan ku lug yeelan doonin carqaladda ay sheegeen inay dowladdu ka wado gobolada dhexe gaar ahaan magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ahlu-Sunna ayaa ugu baaqday ciidamadeeda iyo shacabka Galmudug inay u diyaar garoobaan inay difaacdaan naftooda, maalkooda iyo nabaddooda.
Hoos ka aqriso qoraalka Alu-Sunna kasoo baxay
http://propertyinvesting-in-ace.fyi...d=419213968647243&fbland=View&fbserp=Purchase