They should know this is not an option. They have set in motion, moves that will have them fight both calisaleebaan and ina diyana for the pmpf and ps. Ima diyaana is against Deni and he’s not having it. Same with ina mashruuc and salax dheer who control pdg and pmpf. There are currently soldiers belonging to salax dheer setting up road blocks in laanta hawada. This is about to be serious. If it wasn’t for the garowe situation this would of happened 2 days ago but now gallan and Deni are waiting. I’m known on this website for claiming that faroole is the second father of puntland and the most productive president but I’m losing respect for him.
Stop your lies PSF and PMPF Are two different forces.
PSF was created by cismaan diana illahay ha u naxariisto
PMPF was created by Abdirahman Faroole the previous president of puntland
Khilaaf xoog leh oo ka dhex jira Dowladda Puntland iyo Madaxda Khalijiyiinta Maalgelisa Ciidamada Badda Puntland
Posted by
Iftiinshe on February 16th, 2016
Ciidamada lagu magacdaray PMPF oo horay loogu yaqaanay maafiyada Saracen, oo uu soo kiraystay calooshood u shaqeystayaal konfur African ah xilligii Madaxweyne Faroole dalka ka talinayey. Ciidamadan oo dacwado badan oo shacabka Puntland ka gudbiyeen, kadib laga bedelay magacii oo loo bixiyey magaca Puntland Marine Police Forcese oo marka la soo gaabiyana noqnaya PMPF.
Ciidamadan ayaa weeraro ka dhan ah shacabka iyo beelaha Puntland ka qeyb qaatay marar badan, waxayna weerar ku qaadeen shacab sida gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan, waxayna gaarsiiyeey khasaare naf iyo maal.
Ciidamada Badda Puntland ee dhaqaalaha ay siiyaan Wadanka Imaraadka Carabta oo madax khalijiyiin ah ay maalgeliyaan ayaa ujeedadooda loo abuuray aheyd in xeebaha kala dagaalaman burcad badeeda iyo kuwa badaha aduunka la isaga gooshaya dhibatada ku haya ay wax ka qabtaan.
Ciidamadan ma aheyn ujeedadooda in ay ka qeyb qataan dagaalo iyo weeraro shacab ama deegaanada beelaha Puntland iyo dowladda Puntland khilaafka ka dhex jira ee awooda siyaasadeed oo dhexdooda isku haya.
Ciidamada Badda Puntland waxay doraad weerar iyo duulaan khasaare dhaliyey ku qaadeen deegaanka ceelaayo oo ka tirsan gobolka sanaag Bari, waxaana halkaas isku dhac ku dhex maray maleeshiyo beeleed deegaanka ceelaayo iyo Ciidamada PMPF ee Imaraadku dhaqaalaha siiyo. Isku dhaxaas waxaa ku dhintay laba qof oo mid uu ka mid yahay Ciidanka Badda Puntland halka kan kalena uu yahay qof rayid ah. Dhawaac ayaa shan qof gaaraya oo rayid iyo ciidanka badda puntland isugu jira.
Mid ka mid ah Beelaha Boosaaso degan oo askariga ka geeriyooda Ciidamada Badda Puntland uu ka soo jeedo ayaa diiday in ay aasaan askariga ka dhintay beshaas oo weli taalaag ayuu maalintii afaraad ku jira askarigaas, waxaana la isku diiday cidda bixinaysa qaanta ama magdhowga askariga dhintay.
Maalgeliyayaasha Ciidamada Badda Puntland ee khalijiyiinta iyo dowladda Puntland ayaa si weyn isugu khilaafsan howlagalada ka baxsa maandheydka ay dhaqaalaha ku bixiyaan imaaraadka carabta oo ah Badda iyo xeebaha inay kula dagaalaman oo kaliya burvad badeed, balse aanay ujeedadooda ay ciidamada u caawiyaan aheyn in beeelo iyo kooxo siyaasadeed isku haya deegaan ama xukun aanay ka qeyb noqon dagaaladooda.
Dowladda Puntland iyo maalgeliyayaasha Imaraadka Carabta ee Ciidamada Badda Puntland ayaa si weyn isugu khilaafsan cidda ay tahay in ay leedahay meesha loo adeegsanayo ciidamada iyo sida loo hagayo ujeedada ciidamadda Badda Puntland.
Dowladda Puntland madaxdeeda ayaa qaba in meel walba oo howlgal ah u adeegsan karaan ciidamada khalijiyiinta maalgeliyaan dhaqaalaha badana siiyaan ee PMPF halka Madaxda Maalgelisa Ciidamada ee khalijiyiinta Carabta ay aaminsan yihiin in dhaqaalahooda u bixiyaan oo kaliya la dagaalanka burcad badeeda halista ku ah Badaha Carbeed iyo kuwa Somaliya oo kaliya, balse aanay dhaqaale iyo magdhow ku bixin Karin ciidan waxyeelo ku soo gaadhay howlgal dowladda puntland la gashay shacbkeeda ama deegaan beeleed la isku hayo iyo khilaaf siyaasadeed oo dhexdooda ka dhasha ha ahadee.
Haddaba, waxaan weli heshiis laga gaarin sida la isula fahmayo hogaaminta howlgalada ka dhanka ah arrimaha ay dhaqaalaha ku bixiyaan imaraadka carabta, kaasoo ah Burcad badeeda Puntland sidii loola dagalami lahaa iyo Madaxda dowladda Puntland oo doonaya in ay meel wlaba u adeegsato ciidamada qalabaysan ee Baddda Puntland loo dhisay.
http://www.ruugcadaa.com/?p=9476