Aaran Jaan are a problem. Faroole has too much power now without even being in office smh.
Starting a war with CS is gonna be there down fall IA.
Did you feel the same way when President abdiweli gaas went to war with cali saleeban when he sacked gallan as the gudoomiyaha gobalka bari then gallan who was supported by cali saleeban declared war on abdiweli gaas?
PMPF Was createsd by faroole and was headed by his son Mohamed until abdiweli gaas sacked him and if deni gives PMPF leadership to faroole then its only right since faroole created PMPF
Wiilka faroole oo xilka laga qaaday
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa xilkii ka qaaday agaasimaha ciidanka badda Puntland (PMPF) Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda Mudanahan lagu badalay, haddana waxa warar lagu kalsoonyahay oo ka helnay madaxtooyadda sheegayaan in xilkan iminka loo magacaabay Xiriiriyaha madaxtooyadda ee ciidanka Badda Cabdinaasir Biixi Soofe.
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa lagu warramay in xil ka qaadista uu aad uga carrooday.
Xubnaha ka dhow ina-Faoole, ayaa sheegay in Cabdinaasir Biixi oo ka mida ganacsatada Puntland ay isaga iyo madaxweynaha Puntland yihiin kuwo isku dhow dhanka haybta, waxaana ay qayb ka tahay bay yiraahdeen isbadalka Shakhsiyaadka ee uu Mudane Gaas ku galay doorashada.
Ciidanka la-dagalanka burcad badeeda waxaa la dhisay sanadkii 2010, taasoo ka timid qorshe uu madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole u gudbiyay beesha caalamka in bariga lagala dagaalamo burcadda oo ah halka marka hore ay iska soo abaabulmaan burcad baddeedda.
Ciidanka PMPF ayaa waxa dhaqaalaha ka taageera dowladda isku-taga Imaaraadka Carabta.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cabdiraxman ayaa ahayd mid waayadan guuxeeda la isla dhexmarayay Puntland, waxna isna uu ku maqan yahay dibedda.
Maxamed Faroole ayaa waxa uu noqnayaa shaqsigii ugu horeeyay ee Isbadalka c/weli gaas saamayn ku yeeshay, waxa uuna racayaa doontii aabihiisa faroole raacay, sida la sheegayo xilkan ayuu hayay in mudo ah isagoo aan ka cabsan jirin in la badalo balse haatan ay fillan waa ku noqotay.
http://www.somalimedia.co.uk/wiilka-faroole-oo-xilka-laga-qaaday/